Saturday, July 27, 2024

Turkiga oo Itoobiya ka caawinaya waxbarashada kana furay school-ki 7-aad

Addis Ababa (Dawan) Hay’adda Macaarif ee Turkiga ayaa School ka furtay Gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya, halkaas oo ahayd Gobol uu ka dhacay dagaal culus dabayaaqadii 2020-kii, kuna dhammaaday heshiis nabadeed oo la gaaray2022-kii.

Xafladii furitaanka Dugsiga ee la qabtay shalay (Arbaco) waxaa ka soo qayb galay safiirka Turkiga u fadhiya dalka Itoobiya, Berk Baran , xubin ka tirsan guddiga maamulka Hay’adda Macaarif Turkiga, Professor Mehmet Ozkan, Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigray, General Tsadkan Gebretinsay iyo agaasimaha waxbarashada, Kiros Geyush.

Wareysi uu danjire Baran siiyay Wakaaladda Wararka Anadolu ayuu ku sheegay in furitaanka Dugsigaan uu kusoo aadayo, iyada oo xiriirka diblomaasiyadeed ee Turkiga iyo Itoobiya uu gaaray 128 sano.

Safiirku ayaa yiri, “Waxaan xiriir dhow la leenahay dhammaan qowmiyadaha dalkaan (Itoobiya) ku dhaqan, sababtaas awgeed, waxaan u aragnaa inay macno weyn leedahay in Hay’adda Macaarif ee Turkiga ay Dugsigii toddobaad ka furto Gobolka Tigray”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, ayuu intaas raaciyay, “Waxaan aaminsanahay in Dugsigaan uu wax weyn ku soo kordhin doono dib u soo kabashada Gobolka kadib dagaaladii sokeeye.”

Sannadkii 2016, Dowladda Turkigu waxay aasaaastay Hay’adda Macaarif oo lagu tala galay in ay maamusho Dugsiyada laga hirgeliyo Dowladaha ay Turkigu ka caawiso dhanka waxbarashada.

Hay’addu waxa ay ka shaqeysa arrimaha waxbarashada, dhaqanka bulshooyinka iyo xoojinta xiriirka uu Turkigu la leeyahay Dowladaha kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here