Saturday, July 27, 2024

Deni oo magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 21 ayna ku jiraan 3 haween ah

Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo magacaabay Golahiisa Wasiirada oo ka kooban 21 xubnood.

Golaha Wasiirada waxa kasoo muuqday Wasiiro hore ula soo shaqeeyay Deni oo Wasaaradahoodi xajistay sida Cabdi Faarax Siciid Juxa, halka uu ku jiro Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ahaa musharrixiintii u taagneed madaxtinimada Puntland.

Haweenka ayaa seddex Wasaaradood ka helay Xukuumadda uu soo dhisay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni Deni.

Halkaan hoose ka eeg liiska Golaha Wasiirada ee la magacaabay;

1. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta: Maxamed Cabdiwahaab Axmed (waa soo laabtay)

2. Wasiirka Amniga: Ibraahim Cartan Ismaaciil Xaaji Bakiin ( waa soo laabtay)

3. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka: Cabdi Faarax Siciid Juxa (waa soo laabtay)

4. Wasiirka Maaliyadda: Maxamed Faarax Maxamuud

5. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta: Daa’uud Maxamed Cumar

6. Wasiirka Waxbarashada: Fu’aad Abshir Axmed Adeer.

7. Wasiirka Caafimaadka: Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel).

8. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka: Faarax Cawad Jaamac.

9. Wasiirka Wasaaradda Dekedaha: Shaakir Maxamed Guuleed.

10. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada: Cabdullaahi Bile Nuur.

11. Wasiirka Haweenka: Maryan Axmed Cali.

12. Wasiirka Warfaafinta: Maxamuud Caydiid Dirir.

13. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha: Axmed Shire Siciid.

14. Wasiirka Xannaanada Xoolaha: Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux.

15. Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada: Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

16. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga: Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa.

17. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada: Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Habar-waa.

18. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha: Liibaan Muuse Cismaan

19. Wasiirka Gargaarka: Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

20. Wasiirka Beeraha: Maxamed Cabdiqaadir Saalax.

21. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha:Hodon Siciid Xasan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here