Saturday, July 27, 2024

Deni oo ka laabtay hannaankii doorashada ee qof iyo cod

Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka laabtay qorshihii uu damacsanaa ee ahaa inuu ka hirgeliyo Puntland doorasho qof iyo cod ah oo ay dadku si toos ah usoo dooranayaan madaxda kala duwan.

Go’aankaan ayuu Deni ku sheegay khudbad uu caawa u jeediyay dadka reer Puntland

“….Waxaan aad uga xumahay go’aan aynan ku farxeen inaan qaato. Waxaan rajeynaya anoo u turaya mustaqbalka Puntland inaan halkaan uga dhawaaqo in Puntland 8-da January doorasho dhacdo, dadka metelaya xubnaha Baarlamaankana dadkoodu ay soo doortaan”. ayuu yiri, Deni

Deni ayaa intaas raaciyay in go’aanka uu qaatay uusan ahayn mid u hiilinaya bulshada reer Puntland, isaga oo ugu baaqay in ay soo doortaan qof ay raali ka yihiin maadama ay waayeen fursaddii ay qof iyo cod ugu dooran lahaayen madaxdooda.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa ayaa ku eedeeyay dad uusan carabaabin in ay lugaha ku dhegeen dimoqraadiyaddii Puntland, isaga oo amaany go’aanka Deni uu qaatay caawa.

“Puntland waxay aadaysaa doorasho madaxtooyo iyo mid Gole wakiillo. Waa inay doorataa hogaan ka rara xerada qaniinka iyo shilinta leh” ayuu Juxa ku qoray bartiisa Facebook.

Magaalada Garoowe waxa maalmaahaan iska daba tegayay mas’uuliyiinta iyo safiirada beesha caalamka waxaana ugu dambeeyay safiirka Britain ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis oo wada hadalo la yeeshay dhawaan madaxweynaha Puntland, Deni iyo qaybaha kale ee siyaasiyiinta.

Waxaa jiray bilihii lasoo dhaafay khilaaf xooggan oo u dhaxeeyay Maamulka iyo Mucaaradka Puntland, kaas oo ku saabsan qaabka loo qabanayo doorashada Wakiilada iyo Madaxtinimada ee soo socota.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusul duub ugu jiray inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, halka Mucaaradku ay leeyihiin suurta gal ma ahan in xilligaan la qabto doorasho ay dadweynuhu toos uga qeyb qaataan.

Guddiga doorashooyinka iyo Dallada Mucaaradka ayaa soo kala saaray laba jadwal doorasho oo kala waqti ah, waxeyna mucaaradku ku doodaayan in doorashada loo galo qaabki hore laguna qabto xilligeedi.

Mucaaradku waxa ay ku eedeeyeen Deni inuu doonayo muddo kororsi iyo inuu Puntland u horseedayo xasilooni darro.

Isimida Puntland oo isku dayay in ay xal u helaan khilaafka ayaan weli wax natiijo ah ka gaarin.

Dhammaan arrimahaas waxa ay keeneen in labada dhinac ay billaabaan diyaar garow ciidan taas oo muujineysa in nabadda iyo xasiloonida Puntland ay soo food saartay halis cusub.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa baaq uu soo saaray dhawaan waxa uu walaac uga muujiyay khilaafka cirka isku sii shareeraya ee Puntland, waxa uuna ugu baaqay labada dhinac in ay miiska wada hadalka ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee jira

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here