Saturday, July 27, 2024

UNSOM: Deni waa ogolyahay inuu la kulmo madaxda dowladda

Garoowe (Dawan)- Ergayaga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing ayaa ku dhawaaqday in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu diyaar u yahay in uu la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si ay uga wada hadlaan, isla markaana xal waara looga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Puntland.

Arrintaan ayaa timid, kadib markii ay booqasho ku tagtay magaalada Garoowe, si ay kulamo ula qaadato mas’uuliyiinta, mucaaradka iyo bulshada rayidka ee Puntland.

Catriona Laing iyo Deni ayaa kawada hadlay xiriirka Maamul Goboleedka iyo Dowladda Federaalka, xiisadda Laascaanood iyo doorashada Puntland ee la isku mari la’yahay

Catriona ayaa tiri, way ii dhiiregelienysa inaan Deni ka maqlo inuu diyaar u yahay la kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si arrimaha lagu kala duwan yahay miiska looga wada hadlo, lana xaqiijiyo metelaadda Puntland ee Dowladnimada Soomaaliya

Dhanka kale, Ergayaga Gaarka ah ee Qarmada Midoobay waxa ay Deni ugu baaqday in la ballaariyo wada tashiyada dhanka doorashada Puntland, iyada oo laga qeyb gelinayo Waxgaradka iyo Isimada, dhallinyarada, iyo haweenka, si loo qabto doorasho loo dhanyahay. .

Catriona Laing waxa ay ballan qaaday sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inay kala shaqeyso Puntland sidii loo qaban lahaa doorasho ku dhacda jawi xasiloon iyo nabad oo ay ka qey qaaataan dhamaan dhinacyada kala duwan.

Kulanka waxaa sidoo akle lagu soo qaaday xiisadda Laascaanood, iyada oo Maamulka Puntland lagu amaanay sida ay u soo dhaweysay in ka badan 100,000 oo qof kuwaas oo kasoo barakacay Gobolka Sool.

Catriona waxa ay sheegtay in dadaal badan ay geliyeen arrinta Laascaanood iyaga oo la hadlay dhammaan dhinacayda is haya sida Madaxweyne Biixi iyo Guddoonka Maamulka SSC si la isku dhaafsado maxaabista lagana shaqeeyo in uusan dhciin mar kale dagaal.

Madaxda Maamul Goboleedka Puntland ayaa qaadacay in ay ka qeyb galaan waaydii ugu dambeysay shirarka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada kadib khilaaf soo kala dhax galay madaxda sare ee dalka.

Bishii May ee sanadkaan, Golaha Wadatashiga Qaran – marka laga reebo Puntland – ayaa soo saaray heshiis siyaasadeed oo wax looga bedelayo qaab dhismeedka dowladnimada Soomaaliya.

Qodobada la isku qabtay waxa ay ahaayeen in dalka laga hirgeliyo laba xisbi oo kaliya lagana gudbo nidaamka Baarlamaaniga ah ee la qaato nidaamka madaxtinimo , iyada oo dalku yeelano Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen.

Bishii October, Madaxweyne Deni ayaa ka hor yimid heshiiskaas waxa uuna sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran uusan awood u lahayn inuu wax ka beddelo Dastuurka Soomaaliya.

Marka laga soo tago Khilaafka Puntland ioyo Dowladda Federaalka waxaa khilaaf xooggan ka jira qaabka loo qabanayo doorashada Puntland, iyada oo Maamulka jira uu rabo inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, halka Mucaaradku ay leeyihiin suurta gal ma ahan in xilligaan la qabto doorasho ay dadweynuhu toos uga qeyb qaataan.

Mucaaradku waxa ay ku eedeeyeen Deni inuu doonayo muddo kororsi iyo inuu Puntland u horseedayo xasilooni darro.

Isimida Puntland oo isku dayay in ay xal u helaan khilaafka ayaan weli wax natiijo ah ka gaarin.

Booqashada ay Ergayga Gaaarka ee QM u qaabilsan Soomaliya ay ku tagtay Garoowe ayaa loo fasiri karaa in Beesha Caalamku dooneyso in si fara gelin ah ku xalliso labadaan khilaaf oo laga yaabo in ay saameeyn ku yeeshaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here