Saturday, July 27, 2024

Shacabka Masar oo u dareeray goobaha codbixinta ee doorashada madaxtinimo

Qaahira (Dawan)- Shacabka Masar ayaa subaxnimadii maanta oo Axad ah u dareeray goobaha codbixinta si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada madaxtinimo ee la filayo in Madaxweynaha xilka haya Cabdifataax El-sisi uu ku guuleysto markii saddexaad.

Codeynta ayaa bilaabatay sagaalka subaxnimo waxayna soconeysaa ilaa sagaalka fiidnimo iyada oo la codeyn doono muddo saddex maalin ah, waxaana natiijada loo qorsheeyay in lagu dhawaaqo 18-ka December.

Sida laga soo xigtay Guddiga qaran ee doorashooyinka, qiyaastii 67 milyan oo Masaari ah oo da’doodu ka weyn tahay 18 jir ayaa xaq u leh inay codeeyaan, dalka dadkiisa lagu qiyaaso 104 milyan oo qof.

Afar murashax ayaa u taagan xilka madaxweynaha dalka Masar, kuwaas oo kala ah:

Cabdifataax El-sisi

El-sisi (68 jir) waxa uu ahaa Wasiirka Gaashaandhigga intii u dhaxaysay 2012 ilaa 2013 iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Sahanka Milliteriga intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2012.

Waxa uu iska casilay ciidamada qalabka sida sannadkii 2014-kii si uu ugu tartamo xilka madaxweynaha, isaga oo noqday madaxweynihii sideedaad ee Masar.

Mar labaad ayaa loo doortay madaxweyne 2018-kii, wuxuuna tartamaya markii seddexaad.

Farid Zahran

Zahran (66 jir) wuxuu madax ka yahay xisbiga Social Democratic Party ee Masar, kaas oo la aas-aasay Janaayo 25, 2011.

Xisbigu waxa uu u ololeeya mabaadi’ ay ka mid yihiin cadaaladda bulshada, waddaniyadda, nabad-gelyada iyo u hoggaansamidda sharciga.

Zahran waxa uu taariikh dheer ku leeyahay samaynta dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo isbahaysiyo kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaqdhaqaaqii ardayda ee 1970-meeyadii, Dhaqdhaqaaqii Isbeddelka ee Masar (Kifaya), oo ka soo horjeeday xukunkii Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak tan iyo 2004-tii, iyo dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiga Rayidka, oo la sameeyay 2017 si loo taageero dimuqraadiyadda iyo cadaaladda bulshada.

Cabdisanad Yamama

Yamama (71 jir) oo ah qareen iyo professor sharciga caalamiga ah, waa musharaxa xisbiga Wafdi, xisbiga ugu faca weyn ee Masar.
Yamama ayaa ballan qaaday in mudda xileedka madaxweynaha uu ka dhigi doono 4 sano iyada oo qofku noqon kariyo madaxweyne kaliya laba jeer.

Xazem Cumar

Hazem Omar oo hore u ahaa madaxii hore ee guddiga arrimaha dibadda ee golaha wakiilada Masar, sidoo kalena ah guddoomiyaha xisbiga Jamhuuriga, ayaa ah musharraxa ugu da’da yar tartanka, isagoo 59 jir ah.

Hazem waa ganacsade isu rogay siyaasi waxa uuna diiradda ku saaray ololihiisa in uu mudnaan gaar ah siiynayo sidii uu dib u habeyn ugu sameyn lahaa qeybaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Sidoo kale, waxa uu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono arrimaha dhaqaalaha iyo sicir bararka ka jira dalkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here