Friday, May 30, 2025
Array

Wada Shaqeynta Kenya, Jubaland iyo Somaliland.

Kenya ayaa sheegtay in sii wada doonto shaqeynta Jubaland iyo Somaliland ay la leedahay iyada oo kala tashaneyso dowladda Soomaaliya, si loo dhiso xiriir iyo joogitaan diblomaasiyadeen.

War qoraal ah oo wasaaradda Arimaha Dibadda Kenya soo saartay ayaa lagu sheegay sida Kenya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga labada dal, iyadoo ixtiraamaysa madaxbannaanida Soomaaliya.

“Si loo horumariyo iskaashigan, Kenya waxay sii wadi doontaa xiriirka iyo la shaqeynta maamulada Jubaland iyo Somaliland iyadoo la tashaneysa Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dhiso xiriir iyo joogitaan diblomaasiyadeed oo lagu taageerayo ammaanka iyo iskaashiga ganacsi,” ayaa lagu yiri bayaan wasaaradda.

Kenya ayaa sidoo kale ku celisay taageerada ay u hayso dadaallada dhismaha dawladnimo ee Soomaaliya iyo horumarinta hay’adaha iyadoo loo marayo wada-hadal joogto ah iyo iskaashi goboleed.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro uu booqasho ku joogo Kenya, halkaas oo la filayo inuu kulan kula yeesho mas’uuliyiinta Kenya sida ay sheegtay Madaxtooyada Somnalinad. Wararka ayaa intaa ku daraya in Somaliland ay furayso xafiis matalaadeed oo cusub gudaha Kenya, taasoo calaamad u ah xiriir cusub oo diblomaasiyadeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here