Kismaayo, Jubaland – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay, xili uu ka qeyb galayay shirweynaha deegaanka iyo isbedelka cimilada ee ka furmay Kismaayo. Khudbaddiisa ayaa si gaar ah diiradda u saartay khilaafka xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland, iyo sidoo kale baahida loo qabo in la isugu yimaado shirweyne siyaasadeed oo lagu xalliyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee jira.
Axmed Madoobe ayaa ku bilaabay hadalkiisa sharaxaada halka uu ka bilowday khilaafka hadda ka dhex jira isaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, isagoo ka warbixiyay caqabadaha soo wajahay maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo. Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay in la helo xal siyaasadeed oo dhexdhexaad ah, islamarkaana uu ku baaqayo wadahadal iyo shirweyne siyaasadeed si loo dhameystiro khilaafka iyo isfaham la’aanta jira.
“Wax golaha wadatashiga Qaran layiraahdo majiro, ee hala isugu yimaado shirweyne siyaasadeed,” ayuu madaxweyne Axmed Madoobe ku adkeeyay hadalkiisa, isagoo ka tarjumaya baahida loo qabo in la sameeyo kulan ballaaran oo lagu dhisayo isfaham siyaasadeed, kana gudbo shirarka isdaba joogga ah ee aan waxba tarayn.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay arrinta xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, isagoo sheegay in xaaladda xisbigaasi ay dib ugu soo kicineyso xasuusta xisbigii hanti wadaagga ee kacaanka Soomaaliyeed ee 1976-kii, isaga oo xusay in aanay jirin haatan xaalad dowladnimo oo maanta oggolaaneysa in la sameeyo xisbi noocaas ah.
“Xisbiga maanta guddoomiyahiisii iyo musharaxiisii laysku wada haysto. Ee la leeyahay may adaa joogi iyo anaa joogi, maxuu yahay xisbigaas?” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo ka hadlayay xaaladda xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka.
Hadalka madaxweynaha Jubaland ayaa kusoo aadaya xilli Golaha Wadatashiga Qaran uu isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay keento talo soo jeedin ku saabsan xaaladda maamul goboleedka Jubaland ee uu hogaamiyo axmed madoobe.