Saturday, July 27, 2024

Waddada isku xirta Dhadhaab iyo Gaarisa oo isbuucii 3-aad xiran

Gaarisa (Dawan)- Daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay guud ahaan Kenya gaar ahaana magaalada Gaarisa iyo nawaaxigeeda ayaa sababy in waddada isku xirta Dhadhaab iyo Gaarisa ay xiranto.
Waddadan ayaa ah marin muhiim u ah isku socodka gaadiidka dadwaynaha iyo nolasha guud ee dadka ku nool xeryaha qaxootiga, sida Dhadhaab , Faafi iyo Koonfurta Wajeer.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in gawaarida dadweynaha iyo kuwa xamuulka ah ay ku xannibanyihiin waddada taas oo dhibaato ku ah ganacsiga iyo nolosha dadka ku nool xerada Dhadhaab.
Ganacsatada khudaarta ayaa sheegay in ay ka hallaawday khudaartii ay doonayeen in ay geeyaan Dhadhaab kadib markii la waayay waddo la marsiiyo, iyaga oo walaac ka muujiyay culeyska ay ku keeni karto ganacsigooda.

Dhanka kale, waxay dadweynuhu ka cabanayaan qiima koroka ku yimid lacagta lagu raaco takaasida Dhadhaab ilaa Gaarisa oo markii hore ahaan jirtay inta u dhaxeysa 1000 ilaa 1500 lacagta Kenya ah hadana waxa ay ku dhawdahay 5000.

Dhammaan dhibaatooyinkaas waxa ay keeneen in ay aad u kororto qiimaha khudaarta iyo cunnadda daruuriga ah sida Bariiska, Burka iyo Sokorta ee deegaanka Dhadhaab.

Deegaanka Dhadhaab ayaa ku jira dhibaato dhinac walba waxaana sido kale lasoo warinaya in ay jirto shdaal la’aan kadib markii la isticmaalay keydkii shidaalk taas oo saameyn ku yeelan doonta korontada, ceelasha biyaha iyo adeegyada kale ee u ku shaqeeya koronto.

Dadweynaha ku nool Dhadhaab ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo dowladda Kenya in ay lasoo gaaraan gargaar bini aadanimo si loo badbaadiyo nolosha dadkaan dhibaateysan ku dhawaad bil.




Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here