Saturday, July 27, 2024

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Israel iyo kooxaha Falastiiniyiinta

 Qudus (Dawan)- Warar is daba joog ah ayaa kasoo baxaya dagaalka Kooxaha Falastiiniyiinta iyo Israel u dhexeeya ee shalay subaxnimadii billaawday.

  • Ugu yaraan 350 Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhintay, 1864 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka u dhaxeeya Kooxda Xamaas ee ka dagaalanta Falastiin iyo Israel, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah oo Israel.
  • Idaacadda Ciidamada ee Israel ayaa sheegtay in ay jiraan tiro ciidamo ah oo looga qabsaday dagaalka iyo dhimashada in ka badan 30 asgari oo Booliis ah.
  • Israel waxey dadkeeda ugu baaqday in ay kasoo baxaan deegaanada u dhaw Marinka Gaza
  • Waxaa duulimaadyadoodi ay ku tegi jireen Israel joojiyay qaar ka mid diayaradaha caalamiga ah .
  • Qanaadka Aljazeera oo soo xiganaya laamaha caafimaadka, ayaa sheegay in 256 Falastiiniyiin ah ku dhinteen duqeymaha ay Israel ka fulineyso Marinka Gaza, kuwaas oo ay ku jiraan 20 carruur ah, iyada oo ay jiraan dhaawacyo boqolaal ah.
  • Dowladaha reer galbeedka ayaa badankood garab istaag u muujiiyay Israel waxeyna weerarka ku tilmaameen mid argagixiso.
  • Qatar waxey mas’uuliyadda dusha uga tuurtay Israel, iyada oo ku eedeysay in ay iska dhega tirtay baaqyadii caalamka iyo fulinta heshiisyadii hore loo galay, sida laga soo xigata wasaaradda arrimaha dibadda.
  • Qaar ka mid dowladaha Caalmaka oo arrintaan dhaxdhaxaad ka ah ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay si dedg-deg ah u joojiyaan dagaalka si looga fogaado khasaare dheeraad ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here