Saturday, July 27, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safray Ereteriya

Muqdisho ( Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Qoraalka Madaxtooyada ayaa lagu yiri ” Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka”.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona dhiggiisa  Isaias Afwerki, si ay uga wada hadalaan iskaashiga labada dal gaar ahaaan dhinaca amniga iyo tababridda ciidamada Soomaaliya.

Villa Somalia ma sheegin, muddada ay qaadan doonto booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh, waana booqashadii afaraad ee uu ku tago Asmara, tan iyo markii dib loo doortay bishii May 2022.

Dowladda Ereteriya ayaa Soomaaliya u tababarta ciidan tira badan kuwaas oo qaar ka mid ah dalka lagu soo celiyaya kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xeeldheerayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka safarka Madaxeynaha sidii loosoo dedejin lahaa ciidamada tababarka u jooga Ereteriya si ay uga qeyb qaataan dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-shabaab.

Madaxeyen Xasan ayaa labadii bil ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee maamul goboleedka Galmudug, si uu u dardargeliyo dagaalka Al-shabaab looga saarayo labada maamul goboleed ee Hirshabeelle iyo Galmudug .

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weerartay magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ahayd Madaxweynaha iyo xarumaha kale oo ciidaan, sida Cowsweyne iyo Ruunir-good.

Sida qoraalka Madaxtooyada lagu soo gabagabeeyay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Axmed Cabdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagidda dagaalka looga saarayo kooxda Al-shabaab deegaannada Galmudug

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here