Saturday, July 27, 2024

Warmurtiyeed laga soo saaray wada xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland

Jabuuti (Dawan)- Shirkii Jabuuti uga socday Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ay kala saxiixdeen Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Siomaliland.

Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiiradooda iyo labada ergay ee u kala qaabilsan arrimaha wada xaaajooda labad dhinac.

Warmurtiyeedka oo ka kooban 8 qodob, waxaa ka mid ah in muddo 30 maalin ah la isla meel dhigo arrimaha masiiriga, in laga wada shaqeeyo sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Gobollada ay colaaddu ka jirto iyo la iska ilaaliyo hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara hannaan socodka wada xaajoodaka labada dhinac.

Halkaan hoose ka akhriso warmurtiyeedka oo dhameystiran.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here