Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo u fududeyneysa Itoobiya waxyaabaha ay kala soo degto dekadaha

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa ka caawineysa dowladda Itoobiya in ay 2.3 milyan oo tan oo bacriminta dulka iyo beeraha ah kala soo degto dekadaha jabuuti, si labada dal ay u fuiyaan wada hadalladii ka dhaxeeyay ee ku saabsanaa xoojinta iskaashiga iyo ganacsiga.

Arrintaan ayaa kusoo beegemeysa iyada oo uu Jabuuti ku suganyahay wafdi uu hogaaminayo wasiirka Gaadiidka iyo saadka ee itoobiya DR. Alemu Sime kaas oo kormeer ku tegay Dekadaha Jabuuti.

War qoraal ah oo ka soo baxay itoobiya ayaa lagu sheegay in sannadkaan ay qorsheeyeen in 2.3 milyan oo tan oo bacrimin ah la keeno dalka iyadoo oo la kordhinayo tiradda bacriminta dulka. Bacriminta dulka ee itoobuiya ayaa lafilayaa in uu 64% kordho marka lala barbardhigo sannadkii hore.

Sida uu qorshuhu yahay 2.3 milyan oo tan oo bacriminta ayaa lafilayaa in ay itoobiya ay kala soo degto Jabuuti si loo gaarsiiyo Itoobiya ka hor xilli roobaadka xagaaga ee bisha June.

Dhanka kale, Gudoomiyaha marsooyinka iyo goohaba ka caagan cashuuraha ee dalka Jabuuti Abubakar Cumar xaadi ayaa ballan qaaday in ay ku dadaali doonaan sida ay maraakiibta ugu soo daji lahaayeen una gaarsiin lahaayeen dalka itoobiya ka hor bisha June ee sanadka soo socdo.
Xiriirka ganacsi ee Itoobiya iyo Jabuuti ayaa bilooyinkii danbe kor u kac samaynayay, iyada oo dekadda Jabuuti ay noqotay meel ay dwoladda Itoobiya ay kala soo dagto waxyaabo badan maadaama ay tahay dowlad xeeb la’aan ah.

Dhawaan ayay eheed markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ka dhawaajiyay in ay lagama maarmaan tahay in shacabkisu helaan dekad ay xaq u leeyihiin in ay kala soo degaan waxa ay doonaan, taas oo ay ka hor imaadeen dhammaan dowladaha Geeska Afrika ee xeebaha leh.

Wasiirada Maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika ayaa shikoodi 18-aad ee Hindisaha Geeska Afrika ee ka qabsooomay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa bishii hore ku ansixiyay dhammaystirka dhismaha Waddada isku xirta Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay ku baxayso 750 Milyan oo Doollar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here