Saturday, July 27, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xilka iska casilay

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Wasiirnimo, isaga oo shegay inuu sidii ugu habbooneed ugu adeegay dalka iyo dadka.

” Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen” ayuu ku yiri, Wasiir Abshir qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Iscasillaada Wasiirka ayaa imaaneya iyada oo la fillayo in uu isku soo sharraxo xilka madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo la doran doono 8-da January 2024.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here