Saturday, July 27, 2024

Chad oo afti u qaadaysa dastuur cusub

Chad (Dawan)- Dadka Chad waxa ay Axaddi u codeeyeen afti loo qaadayo dastuurka cusub ee uu dalkaas yeelanayo si loo qabto doorasho dimoquraadi ah oo ay xilka kula wareegaan siyaasiyiin rayid ah.

Ciidanka haya talada dalka ayaa hore u ballan qaaday in ay dalka ka qaban doonana doorasho muddo laba sano gudahood ah balse waxaa ku yimid dib dhac ah ilaa dhammaadka sannadka 2024.

Maamulka mileteriga ee dalkaas ayaa ku tilmaamay aftida hadda la sameeyay tillaabo muhiim ah oo hore loo qaaday si awoodda xukunka loogu wareejiyo gacanta siyaasiyiinta rayid ah ah

Dowladda kumeel gaarka ah ee uu madax ka yahay jeneraal Maxamed Deby ayaa xukunka Chad la wareegay 2021 ka dib markii aabihiis, Idriss Deby oo ku dhintay jiidda hore ee dagaalka ay dowladda kula jirto kooxo hubeeysan kadib 30 sano uu kursiga ku fadhiyay.

Waxay u muuqataa in uu dalka u jiheynayo qaab ka duwan siyaasaddii aabihiis, isaga oo laga sugayo in uu xilka ku wareejiyo dowlad la doortay oo ciidamada ka madax bannaan.

Dowladda Chad ayaa sanado badan lasoo daala dhaceeysay siyaasad ku dhisan kala qeybsanaan iyo heshiis la’aan ka jirta qeybsiga iyo maareynta Macdanta iyo  Shidaalka dalka

Ku dhawaad ​​sideed milyan oo muwaadiniin ah ayaa xaq u leh inay codeeyaan, iyada oo lagu wado in natiijada rasmiga ah ay soo baxdo December 24, si ay u ansixiso maxkamadda sare ee December 28.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here