Friday, September 20, 2024

Xasan Sheekh: Dowladda Itoobiya iyada caalamka wareegeysa

Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo khudbaddiisa kusoo qaatay khilaafka badda ee kala dhexeeya Itoobiya iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Xasan Sheekh oo ka jawaabayay hadalkii Abiy Axmed ee ahaa in Soomaaliya ay lacago badan ku kharash gareysay dawcwaynta Itoobiya ayaa yiri; ” Dowladda Itoobiya iyada caalamka wareegeysa, iyada oo ka carareysa khaladkii ay gashay ee diblumaasiyadeed iyo kii xeerarka caalamiga ah ee dunida il-baxa ah ay ku dhaqanto maanta” .

Madaxweyne Xasan waxa uu Itoobiya ku eedeyay inay ku xad gudubtay deris wanaagii, welina ay ka caga jiidayso in ay saxdo khaldkii ay gashay ” Shalay Iyada (Itoobiya ) ayaa jebisay deris wanaagii iyo ku dhaqankii qaanuunka caalmiga ah, maantana iyada weli diidan inaan ku noqono waddadaas saxda”

Xasan ayaa intaas ku daray in Itoobiya aysan weligeed Soomaaliya ka codsanin inay kawada hadlaan arrimaha maanta taagan si xal looga gaaro taas bedelkeena ay dooratay inay usoo marto wadamo kale si ay ula heshiisiiyaan Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa uu Madaxweyne Xasan caddeeyay in Soomaaliya aysan ahayn dowladda billoowday xad gudubka ama diidan in la heshiiyo “Soomaaliya ma aha midda  xad gudubtay, ama diidan heshiis. Xaalka Itoobiya waa “ Hasha iyadaa cuneysa, oo cabaadeysa”

Xasan ayaa tilmaamay in tillaabooyinka ay qaaday dowladda Itoobiya inay ka hor imaanayaan nabadda gobolka iyo deris wanaaga, wxuuna mar kale ku celiyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay heshiis iyo wada hadal dhab ah ” Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay heshiis, nabad iyo deris wanaag laakin sida dowaldda Itoobiya wax ku waddo ma aha mid tagyasa waddo ku dhamaata meel nabadeed

Xasan ayaa Itoobiya ku eedeeyay inay hore uga caga jiidday dhexdhexaadin ay sameeyeen dowlado gobolka ah hadana ay markale caqabado kor dhigatay wada hadalladii todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, wuxuuna yiri, isaga oo arrintaas ka hadlaya;

“Itoobiya waxay hore u codsatay in dib loogu dhigo gogol billow  ahayd oo Nairobi ka furantay, dibna uguma soo noqonin gogoshaas” isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyay;

“Todobaadki lasoo dhaafay,  walaalaheen Turkiga ayaa noogu yeeray inaan aqbalno gogol ay Itoobiya codsatay. Nasiib darro Itoobiya mowqifkeedi waxba iskama bedelin, waana middaas sababta keentay in gogosha la madlo anaga oo aan kulmin weli”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here