Saturday, July 27, 2024

Guudlaawe oo magacaabay wasiirka hub ka dhigista

Jowhar (Dawan)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo saaray wareegto ku taariikheysan 24, Oktoober, 2023, kuna saabsan magacaabis Wasiirro.

Guudlaawe ayaa u magacaabay Cabdixamiid Maxamed Cali, Xilka Wasiirka Hub ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Hirshabeelle.

Sidoo kale, Abuukar Axmed Cali (Dhaga-gaab) iyo Cabdifitaax Jaamac Warsame ayaa loo kala magacaabay Xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Hirshabeelle iyo Xilka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Hirshabeelle.

Deegaanada Maamul Goboleedka Hirshabeelle waxaa dhinac ka socda dagaalka lagula jiro Al-shabaab, dhinac kalena waxaa ku dagaalamaya beelo iyada oo sidoo kale uu jiro khilaaf siyaasadeed oo Maamulka hareeyay waayadii ugu dambeeyay.

Magacaabista Wasiirka Hub ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka ayaa loo arkaa in Guudlaawe uga dan leeyahay inuu maareeyo hubka sida sharci darradda ah ugu jira gacanta ka baxsan Maamulka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here