Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh oo madaxda Jabuuti iyo Itoobiya kula kulmay Sacuudiga

Riyaad (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Xasan iyo madaxda Jabuuti iyo Itoobiya ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya iyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa iskaashiga dhanka amniga iyo xasilinta Geeska Afrika.

Madaxda seddexdaan dal ee Geeska Afrika ayaa Sacuudiga uga qeyb gelaya shirka Sacuudiga iyo dalalka Afrika oo looga hadlayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo maalgashiga uu Sacuudiga la leeyahay Qaaradda Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga, Maxamed Al-Jadcaan, ayaa sheegay in dowladdiisu ay xooga saareyso maalgashiga dalalka Afrika ee dhinacayda Tamarta, Beeraha, Waxbarashada iyo Macdanta.

Madaxweyne Xasan oo maalmihii lasoo dhaafay arrimo caafimaad u joogay Imaaraadka Carabta ayaa dhowr shir uga qeyb gelaya Sacuudiga maalmaha soo socda.

Shirarka ayaa kala ah Shirka Jaamacada Carabta, Shirka Ururka iskaashiga Islaamka iyo Shirka Sacuudiga iyo Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here