Saturday, July 27, 2024

Kenya oo qorsheyneysa in ay abuurto 100 milyan oo geed

Nairobi (Dawan)- Wasiirka Deegaanka iyo Keymaha ee dalka Kenya, Soipan Tuya ayaa muwaadiniinta daalkaas ugu baaqday in maalinta Isniinta soo socota ay ka qeyab qaataan ololaha geed beerista ee laga fulin doono dhammaan deegnaada dalka Kenya.

Isniinita socota wax shaqo ah ma jiro, waana la fasaxay shaqaalaha si ay uga qeyb galaan abuurista 100 milyan oo geed si looga hortago khatarta isbeddelka cimilada iyo dhibaatada deegaanka ee uga timaada xaalufinta dhirta.

Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa in la hirgeliyo abuurista 15 bilyan oo geed marka la gaaro sannadka 2032-ka.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa magaalada Makindu ee ismaamulka Makueni ku daahfuri doono barnaamijka cagaarinta Kenya, waxaana Isninnita soo socota loo aqoonsaday maalin qaran.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaran ee Kenya Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in geedaha la beerayo laga heli karo xafiisyada guddoomiye xaafadeedyada.
Golaha Wasiirada ayaa loo xilsaaray in Wasiir kasta uu hoggaamiyo ugu yaraan geed beerista labo ismaamul.

Dowlad Deegaanka Garissa waxaa geedaha lagu beeri doonaa Jaamacadda Garissa University iyada oo uu arrinkan hormuud ka noqon doono Wasiirka Arrimaha Gudaha Prof. Kithure Kindiki.
Kindiki ayaa sidoo kale daahfuri doona abuuridda geedaha ee bariga ismaamulka Wajeer gaar ahaan xerada ciidamada militariga ka hor inta uunan u gudbin bariga Mandera gaar ahaan machadka lagu tababaro dhakhaatiirta ee KMTC.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here