Saturday, July 27, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Halkaan kala soco wararka dunida oo kooban, adiga oo faahfintana ka heli kara bogaga aan ku leenahay Baraha Bulshada ee Dawan TV.

Gaza

  • Isbitaalka Al-Ahli , oo ah Isbitaalkii ugu dambeeyay ee ka shaqeeya waqooyiga Marinka Gaza, ayaa shaqadii gabay  Talaadadii sababo la xiriira duqeynta Israa’iil iyo xiritaanka shaqaalaha gurmadka ah , sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

    Israa’iil
  • Madaaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xabbad joojin labaad iyo in gargaar bini aadantinimo la gaarsiiyo Marina Gaza, iyada oo la xaqiijinayo sii deynta maxaabiista ay heysato Xamaas.

    Faransiiska
  • Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa sheegtay Talaadadii in ay wali ka  sugayaan faahfaahin dheeraad ah Maamulka Israa’iil taas oo  ku saabsan dilka mid ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu dilay  Gaza isbuucii hore.

    Faransiiska- Ingiriiska
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Catherine Colonna iyo dhiggeeda Ingriiska, David Cameron oo si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay Magaalada Paris ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xabbad joojin deg deg ah oo ka hir gasha Marinka Gaza.
    “ Waxaan rajeynaya in dadaalladeenu wada hiigsanayaan xabbad joojin deg-deg ah oo waarta:” ayay tiri, Catherine Colonna.

    Israa’iil-Lubnaan
  • Ciidamada Israa’iil oo adeegsanaya fosfooraska  ayaa duqeeyay  laba magaalo  xuduudeed oo ku yaalla koonfurta Lubnaan Talaadadii, sida ay sheegtay warbaahinta Lubnaan. Weerarka duqeynta ayaa   lala beegsaday duleedka Magaalooyinka Baliida iyo Muxaybib oo u dhow xudduudda ay wadaagaan  Lubnaan iyo Israa’iil.

    Yemen
  • Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa wacad ku martay Talaadadii inay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta Israa’iill ee marta biyaha u dhow, inkasta uu Mareykanku ku dhawaaqay isbahaysi caalami ah oo ilaaliya maraakiibta mareysa  Badda Cas.

    Turkiga
  • Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu ballan qaad ka helay  dhigiisa Mareykanka Joe Biden kaas oo ku saabsan in uu Congress-ka Mareykanku ansixin doono in Turkiga laga iibiyo diyaaradaha F-16  ka dib marka uu Baarlamaanka Turkigu meel mariyo  dalabka ay Sweden ugu biireyso  NATO.

    Ciraaq-Turki
  • Kulan heerkiisu sareeyo oo Talaadadii  ka dhacay Caasimadda Turkiga ee Ankara, ayaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Turkiga iyo Ciraaq uga wada hadleen  sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta mashruuca waddada horumarinta ee isku xirta labada dal, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay labada Wasaaradood.

    Israa’iil
  • Askari kale oo Israa’iili ah ayaa lagu dilay Marinka Gaza Talaadadii, taas oo ka dhigeysa tirada dhimashada ee militariga tan iyo bishii Oktoobar ilaa 464 askari.

    Turkiga
  • Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT) ayaa Talaadadii gacanta ku dhigtay Xudeyfa Al Muri, oo ahaa  madaxa maamulka iyo maaliyadda ee kooxda Daacish ee ka  hawlgasha Magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya.

    Israa’iil
  • In ka badan 2,800 oo ka mid ah askarta  Israa’iil ayaa lagu daweynaya xarumaha Wasaaradda Difaaca ee Israa’iil tan iyo markii uu qarxay iskahor imaadka Xamaas iyo Israa’iil 7-dii October, sida ay sheegtay  warbaahinta gudaha Israa’iil.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here