Saturday, July 27, 2024

Xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka: Qamadiga ma dhaafsiisan yahay?

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Ruushka ayaa dhawaan ku dhawaaqday in markab sida 25 kun oo tan oo qamadi ah taas oo ka dhigan gargaar cunto oo loogu tala galay in wax looga qabto cunno yarida uu soo gaari doono magaalada Muqdisho.

Kaalmada Ruushka waxa ay dib noo xasuusineysa soyaalka xiriirka labada dowladood, sida uu kusoo billaawday, ku dhamaaday iyo iminka sida uu ku suagan yahay.

Billaawgii xiriirka Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya waxa uu billaawday wax yar uun kadib curashadii dowladda Soomaaliya 1960.

Sannadkii 1962-kii, waxaa bilaawday xiriirkii ugu horreeyay ee tooska ahaa gaar ahaan dhinaca milateriga, iyada oo 50 askari oo ka tirsan milateriga Soomaaliya loo diray inay waxbarasho milateri kusoo qaataan dalkii loo aqoon jiray Midowga Soofiyeeti.

Dhanka kale, Midowgii Soofiyeeti wuxuu Soomaaliya siisay dayn dhan 32 milyan oo doolar si loo casriyeeyo loona kordhiyo tirada ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Labada dowladood waxaa ka dhaxeeyay xiriir adag oo dhinacyo badan leh, waxaana loo arkayay in Midowgii Soofiyeeti uu yahay dalka ugu saameynta weyn ee qeyb libaax leh ka qaatay dhismaha ciidanka Soomaaliya.

Dagaalkii 77 iyo saameynta uu ku yeeshay xiriirkii labada dal

Ka dib markii uu bilaawday dagaalkii Soomali Galbeed ee ka dhanka ahaa Itoobiya waxaa go’ay xiriirkii Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeedka taas oo meesha ka saartay saaxibtinimadii labada dhinac, waxaana halkaas ku istgaay xiriirkii ku dhisnaa iskaashiga oo isku beddelay cadaawad.

Xilligii Burburkii dowladnimada Soomaaliya iyo dowladihii ku meel gaarka ahaa ee dalka soo maray, ma jirin xiriir muuqda oo ka dhaxeeyay labada dal, marka laga reebo isku araga shirarka caalamiga ah.

Muuqaalka cusub ee xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka

Waayadii ugu dambeysay waxaa soo baxayay muuqaal ka duwan kii hore oo ku saabsan dib usoo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, iyada oo ay dhaceen kulamo dhex maray mas’uuliyiinta labda dal kuwaas oo lagu gorfeeyay soo celinta iyo xoojinta iskaashiga labada dowladood kadib shan iyo afartan sano.

Bishii Maarso ee sanadkaan, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa booqday Ruushka, iasaga oo kulamo la qataay mas’uuliyiinta xukuumadda Moscow, waxaana ka dhashay in Ruushku ka cafiyo Soomaaliya in ka badan 684 million oo Dollar bartamihii sannadkaan ka dib heshiis ka dhacay magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeyb gashay shirka BRICS ee Koonfur Afrika lagu qabtay bishii August ee sannadkaan, iyada uu xilligaas ka dhawaajiyay Wasiirka Arrimha Dibadda Soomaaliya in ay iska dhowrayaan ku milanka siyaasadaha is diidan ee caalamka si loo ilaaliyo danta Soomaaliyeed iyo siyaasadda dowladda ee ku dhisan dhax-dhaxaadnimno.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Ruushku aysan safaarad ku lahayn Muqdisho, waxaana arrimaha Soomaaliya uga wakiil ah safiirka u fadhiya Jabuuti, taas oo loo arki karo in wali xiriirka labada dal uusan ahayn mid toos ah oo xooggan.

Is-waafajinta siyaasadda Reer-galbeedka iyo Ruushka

Wareysi uu dhawaan siiyayay TV-ga Dawan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar “Cali Balcad”  waa uu ku sheegay in dowladdu ay dooneyso in Soomaaliya laga ilaaliyo in ay yeelato cadaw dhanka dibadda ah iyo in khilaaf soo kala dhax galo dalalka caalamka, inkata uu hoosta ka xarriiqay in siyaasad ahaan ay u janjeerto wadamada Reer Galbeedka oo sida uu caddeeyay ku bixiyay Soomaaliya sannadihii lasoo dhaafay taageerrada ugu badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aragta in xiriirka Ruushku yahay mid muhiim ah madaama ay dooneeyso garab istaag dhinacyo badan taabanaya, waxeyna u aragtaa in Ruushku ka caawin karo tartanka ay ugu jirto kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ka qaadista Soomaaliya cunaqabateynta hubka ee saaran sannado badan iyo arrimaha deynta cafinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here