Saturday, July 27, 2024

Kenya: 7 qof oo lagu tuhmayo falal argagixisnimo oo lagu xiray Siaya

Nairobi (Dawan)- Warbaahinta Kenya ayaa soo warineysa in la xiray 7 qof oo lagu tuhmayo in xiriir ay la leeyihiin shakhsiyaadka gaysta falalka argagixisnimo.
Eedeysanayaasha ayaa laga soo qabtay deegaanka Hawinga oo ka tirsan demada Alego-Usonga ee ismaamulka Siaya.
Howlgal ay iska kaashadeen kooxo isku dhaf oo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa lagu soo qabtay tuhmanayaasha.

Warbixin uu Booliiska Kenya soo saaray ayaa lagu sheegay in laamaha ammaanka ay heleen xog sirdoon ka hor inta aan gacanta lagu soo dhigin eedeysanayaasha.
Holwgalka ayaa sidoo kale lagu soo helay 2 baangad, 3 Toorey iyo waxyaabo kale oo falal dembiyeedyada lagu gaysto.
Eedeysanayaasha oo haatan ku jira saldhig Booliis oo ku yaalla Ismaamulka Siaya ayaa lagu wadaa inay maraan baaritaanno dheeraad ah ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.

Deegaano ka tirsan Gobollada Kenya ayaa la kulmay falal argagixiso sannadihii lasoo dhaafay, waxeyna mas’uuliyadda Kenya ku goodiyeen dhowr jeer in wax la qaban doono howlaha ka dhanka ah xasiloonida iyo nabadda guud ee dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here