Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo codsatay in laga caawiyo horumarinta Hay’adaha Garsoorka

Bagdaad (Dawan)- Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeyb galay shirka Goloha Wasiirada Cadaaladda Carabta oo sannadkaan lagu qabtay magaalada Bagdaad ee dalka Ciraaq ayaa ka hadlay dadaalka ay dowadda Soomaaliya ugu jirto sidii dib u qaabeyn loogu sameyn lahaa Hay’adaha Garsoorka ee dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in lagu guuleystay sannadihii ugu dambeeyay in kor loo qaado hufnaanta iyo madax bannaanida Garsoorska Soomaaliya, kadib markii hoggaanka Hay’addahaan loo igmaday dad aqoon iyo xirfad u leh.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa qiray in caqabado badan ka hor imaadeen dowladda kuwaas oo ay ugu waaweynyihiin.

  • Qaar ka mid ah shurrucda dalka oo aan la jaan qaadi karin xilliga la joogo.
  • Tirada shaqalaaha hay’adaha Garsoorka oo aad u yar.
  • Dowladda oo aan awood dhaqaale u haynin in ay qaadato shaqaalo badan
  • Baahida loo qabo in Hay’adaha Garsoorka laga hirgeliyo deegnaada dhawaan lagala wareegay kooxda Al-shabaab si muwaadiniintu u helaan adeegga Garsoorka.

Wasiirka Garsoorka ayaa sheegay in xallinta dhammaan caqabadahaan ay u baahanyihiin garab istaag degdega ah, wuxuuna codsaday in wadamada Carabtu ka caawiyaan Soomaaliya sidii dib u habeyn iyo casriyeyn loogu sameyn lahaa hay’adaha Garsoorka, si loo helo adeeg Garsoor oo la jaan qaadi kara xilliga la joogo.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya ayaa la kulmay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka Ciraaq, Faa’iq Seydaan iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda dalalka kasoo qeyb galay shirka, wuxuuna kala hadalay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka Garsoorka ee Soomaaliya kala dhexeeya wadamada Carabta.

Kalfadhiga 39-aad ee Golaha Wasiirada Cadaaladda Carabta, ayaa looga dooday dardar gelinta heshiisyada la xiriira la dagaalanka Argagixisada, Dhiqista lacagta, Maalgelinta kooxaha Argagixisada iyo dembiyada Tiknoolajiyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here