Saturday, July 27, 2024

Bankiga Ziraat Katilim ee dalka Turkiga oo xarun ka furtay Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Bankiga Ziraat Katilim ee dalka Turkiga ayaa xarun ka Furtay Soomaaliya, kaasoo noqonaya bankigii ugu horreeyay ee caalami ah oo ka howlgala dalka muddo ka badan 50 şano.

“Bankiga dhexe ee Soomaaliya waxaa farxad u ah in uu dadweynaha iyo ganacsatada Soomaaliyeedba la wadaagno in maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka oktoobar 2023, si rasmi ah loo daahfuray Bangiga Ziraat Katilim, laantiisa Soomaaliya”. ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Bangiga Dhexe.

Qoraalka ayaa intaas raaciyay in furitaanka Bankigaan cusub uu qeyb ka noqon doono kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadista xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee ay Soomaaliga la wadaagto wax kala iibsiga.

Guddiga Maamulka ee Bankiga dhexe ayaa 2-dii Luulyo 2022, waxay oggolaadeen in Ziraat Katilim Bank la siiyo shati (ruqsad) si’ u furo laantiisa Muqdisho, ka dib markii ay soo dhamaystireen shuruudaha looga baahan yahay Bankiyada ajaanibta si’ay laan uga furtaan waddanka.

Ziraat Katılım waa Banki ay leedahay dowladda Turkiga, xubina ka ah shirkadaha maaliyadda ee ku bahoobay “Ziraat Finance Group”, kuwaas oo ka shaqeeya 20 waddan oo kala duwan, lehna 15 Banki iyo 27 laamood oo ku yaala daafaha dunida.

Bankigan cusub ee dalka kusoo kordhay waxaa laga filayaa inuu ganacsatada siin doono adeegyo banki oo kala duwan, wuxuuna la macaamili doona shirkadaha waaweyn ee ganacsiga, maalgashiga iyo hay’adaha horumarinta.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa yiri “tani waa guul taariikhi ah oo usoo hoyatey dhammaan dadka Soomaaliyeed, Ziraat Katilim waa bankigii ugu horreeyay ee caalami ah oo ka howlgala dalka muddo ka badan 50 şano”.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray “in banki caalami ah xarun ka furto Soomaaliya, waxay astaan u tahay horumarka laga sameeyay dhanka shuruucda iyo dib u dhiska hannaanka maaliyadda dalka, taas oo kor u qaadeysa kalsoonida maalgashadayaasha caalamka”.

Bankiga dhexe ee Soomaaliya waxaa ka go’an dib u habeynta, kobcinta iyo ilaalinta xasiloonida hannaanka maaliyadda ee dalka.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Jabriil Abdirashiid Xaaji ayaa sheegay in Bankigaan uu ka qeyb qaadan doono fududeynta xariirka ganacsi ee ka dhexeeya labada shacab.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda uu Bankiga Ziraat Katilim u leeyahay kobaca dhaqaalaha dalka iyo isku xirka ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah.

Xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sababay in ay Turkidu hormuud ka noqdaan ka shaqeynta Soomaaliya, iyada oo la xasuusto in Turkish Airlines ay ahayd diyaaraddii ugu horeysay ee billaawday duulimaadyada ay ku timaado Muqdisho, waxaana ku daysaday diyaarado kale., hadana Bankiga Ziraat Katilim waxa uu furay albaab kale taas oo suurta gelin doonta in Bangiyo kale kusoo dhiiradaan ka shaqeynta gudaha Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay tan iyo markii uu Erdogan booqasho ku yimid Muqdisho sannadkii 2011-ka, isaga oo ahaa xilligaas Ra’iisul Wasaare.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada dhaqaalaha,Waxbarashada, Amniga, Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Turkiga waxa uu Muqdisho ka dhistay Safaaradda ugu weyn Afrika iyo Saldhig Ciidan oo ku dhawaad 1,500 oo asgari lagu tababari karo markiiba, waxaana tababar ku qaatay tan iyo markii dhidibada loo taagay 5,000 oo ciidamada amniga Soomaaliya ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here