Saturday, July 27, 2024

Xuska maalinta qowmiyadaha Itoobiya oo lagu soo gabagabeeyay jig-jiga

Jig-jiga (Dawan)- Waxaa magaalada Jig-jiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida ah lagu soo gabagabeeyay dabaaldedga munaasabadda Xuska 18-aad ee maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta dalka Itoobiya.

Munaadabadaan waxaa kasoo qeyb galay madaxda ugu sarreysa dalka Itoobiya oo aay ugu horayso madaxweyne, Marwo Sahle-Work Zewde, Afhayeenka Golaha Federaaalka, Aganyow Tashager, madaxweynayaasha Deegaanada dalka, Safiirada wadama deriska la ah Itoobiya iyo marti-sharaf kale.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in qowmiyadaha Itoobiya ay wadaagaan waxyaabo badan oo u baahan in diiradda la saaro halka waxa ay ku kala duwanyihiin uu ku tilmaamay waxyaabo yaryar.

Mustafe Maxummed Cumar ayaa xusay xaaladda uu dalku ku sugnaa 10 sano kahor xuskii 8-aad ee deegaanku xiligaas marti-galiyey, isaga oo sheegay in maanta wax kasta isbeddeleen iyada oo tillaabo loo qaaday dhanka horumaraka iyo dimoquraadiyadda.

Madaxweyne Mustafe ayaa yiri ” Waxaa si habsami leh ku soo dhamaadday xuskii 18aad ee maalinta qowmiyadaha dalka. Xuskaan wuxuu xaqiijiyay awoodda Caasimadda Deegaanka, Jigjiga, u leedahay inay martigaliso xafladdo heer dal ah oo waa wayn”

Dhankeeda madaxweynaha dalka Itoobiya, Marwo Sahle-Work Zewde ayaa kula dardaarntay qowmiyadaha kala duwan ee dalkaas in ay ilaashadaan midnimada ka dhaxeysa si aysan u kala dhantaalmin awoodda dalka Itoobiya.

Xuska maalinta qawmiyadaha oo soo bilaawday 8-dii December 2006 ayaa laga xusaa guud ahaan dalka Itoobiya sannad walbo xiligaan oo kale iyada oo sannadkaan ay fursad u heshay magaalada Jig-jiga in ay marti geliso ergooyinka kasoo qeyb galay xuska.

Xuska maalintaan ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo isdhex galka iyo midnimada qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya, kuwaas oo leh dhaqamo, diimo, luqado iyo soyaal taariikeed oo kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here