Muqdisho (Dawan)- Xagee ku dambeeyay isbaheysigii saddex geesoodka Geeska Afriia ee Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ? Qeybta 2-aad W/D: Calinuur Salaad
BADDA GADAASHEED…. OOHINTU ORGIGA KA WEYN
Maxay isku hayaan Soomaaliya iyo Ethiopia oo aan horay laguugu sheegin?
- Wakiilka dalalka reer galbeedka:
Kadib fashilkii ku yimid howlgalkii “Rajo soocelinta Soomaaliya” horraantii sagaashameeyadii ee uu Mareykanku hoggaaminayay, Ethiopia waxa ay qaadatay kaalin lagu tilmaami karo “Ka beec mushtarka xasaradaha Soomaaliya”.
Dowladaha waaweyn ee danaha ka lahaa Soomaaliya ayaa xiligaas u arkay Ethiopia dal u fulin kara danaha ay Soomaaliya ka leeyihiin sida xog uruurin, howl gallo ciidan iyo dagaallo wakaaladeed isugu jira. Ma jirin gobol Soomaaliyeed oo ka nabad galay muddadii 30-ka sano ahayd.
- Dowladaha waaweyna waxay heleen qolo qiimo jaban ugu fulin karta danahooda iyaga oo aan khasaarin askartooda, natiijooyinka xun xun ee ka dhalan karana lagula xisaabtamin.
- Maamulka Addis Ababa isna dhankiisa waxa uu helay il dhaqaale oo uu ku badalanayo dhiigga muwaadiniintiisa la daallaa dhcaya nolol maalmeedka. Dhanka kalana waxay Ethiopian-ka ka dhigeysay qolo wax laga weydiiyo oo laga tixigeliyo arrimaha Soomaaliya.
Labada dhinacba waxay u ahayd guul, balse maxaa dhacay?
Isbedelka ku yimid doorka Ethiopia ee Soomaaliya, waxaan u kala qaadeynaa laba heer:
Tan Hore: Soo kabashada dowladnimada Soomaaliya ee dhanka siyaasadda; sida in doorshooyinku gudaha ka dhacayeen 12-kii sano ee ugu dambeeyay xukunkana si nabad ah lagula kala wareegayay. Dhismaha ciidamada iyo hay’adaha kale ee dowladnimada ee qori isku dhiibka kusoo socday waxa uu muujiyay rajo dib u istaagidda Soomaaliya gaabisba ha ahaatee, waxa uu walwal ku furay dallaallnimadii gobolka oo ay Ethiopian-ku ugu horreeyaan.
Midda xigta ayaa u muuqata tallaaboyin aad loo darsay oo abaabul gudaha iyo taageero dibadeedba helay:
- Markii uu xukunka la wareegay madaxweyne Xasan, xilligiisi labaad, waxa uu billaabay abaaulka dhismaha koox loogu magac daray “5 Geesoodka Taageerada Soomaaliya”: kuwaas oo kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Isutagga imaaraadka Carabka iyo Qatar oo ah dalalka sida xooggan ugu lugta leh ammaanka Soomaaliya oo siyaabo kala duwan u taageera ciidamada Soomaaliya.
- Ujeedku waxa uu ahaa mideynta taageeradooda milatari iyo ka fogaanshaha isku dhac dhexdooda ah iyaga oo danahooda eeganaya. 5 kulan oo ay yeesheen ayaa ka kala dhacay, Dooxa, Ankara, New York iyo laba jeer oo Abu Dhabi ah , halka kulanka xigana London lagu ballansan yahay.
Kaalinta Turkiga
- Turkey waxay gudaha Soomaaliya ku leeyahay xarunta ugu weyn ee tababar ciidan, waxayna soo saaraan kumannaan ciidan ah oo leh tababaro heer sare ah, qeyb weyna waxa ay dowladdu Turkigu ka qaadata hubeynta ciidamada, xilliyadii ugu dambeyayna waxa ay ku biireen howlgallada la dagaallamayo ururka Al-Shabaab.
Kaalinta Imaaraadka - Imaaraadku waxay gudaha Soomaaliya ku leeyihiin xiryo tababar, iyaga oo soo saara kumannaan ciidan ah, waxayna qeyb weyn ku leeyihiin taageerada dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto uruka Al-Shabaab.
Kaalinta Mareykanka - Cidna kama qarsoona kaalinta uu Mareykanku ku leeyahay ammaanka Soomaaliya, waxa uu tababarro u fidiya ciidamo tira badan oo Soomaali ah, qaarkood waxaa lagu tilmaama kuwa xiradda ugu sarreysa ee ciidanimo leh ilaa iyo hadda.
- Markeykanku waax uu qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto dagaalamayaasha Al-Shabaab. Hwlgallada ciidamada iyo sidoo kale taageero dhanka cirka ah ayaa laga xusi karaa howlaha waaweyn ee Mareykanku ku leeyahay amaanka Soomaaliya.
Kaalinta Ingiriiksa - Ingiriiska, ka sokow taageerada dhaqaale waxaa jira xero tababar oo soo saarta ciidamo Soomaaliyeed, waxa uuna taageero diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale siiyaa ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
kaalinta Qatar - Qatar, waloow taageero ciidan oo toos ah aysan bixin haddana taageero dhaqaale oo xooggan sida dhismaha xeryaha ciidamada, qalabeynta iyo waxyaabo lamid ah ayey ka taageertaa dowladda Soomaaliya.
Shantan dowladood oo kaliya ayey Soomaaliya ku soo koobtay dalalka ay taageerada istaraatiijiyadeed ka heleyso.
Halkaas waxaa ku lumay kaalintii soo jireenka ahayd ee Ethiopia waxaana furmay waddo toos ah oo Soomaaliya ku xireysa dunida oo aan sii marin Adis Ababa marki ugu horeysay muddo 30 sano ka badan.
Waa qodob kale oo kamid ah sababaha isku dhex yaaciyay xisaabaadkii Abiy Axmed iyo Ethiopia.