Saturday, July 27, 2024

Daawo: Muxuu salka ku hayaa khilaafka doorashada Puntland?

Garoowe (Dawan)- Doorashada Puntland waa la isku mari la’yahay, waxaana sii kala fogaanaya dhinacyada muxaafidka iyo mucaaradka.

Hogggaanku waxa uu doonaya doorasho qof iyo cod ah taas oo ka dhigan in muddaddii ay ku asteysneyed doorashada Puntland laga dib dhaco, lana hareer maro dastuurka Maamulka.

Mucaaradku waxa ay leeyihiin lama gaarin lagamana shaqeynin in doorashao qof iyo cod ah xilligaan laga qabto, iyaga oo ku eedeeyay Deni inuu ka shaqeynayo muddo kororsi abuuri kara xasilooni darro.

Isimada Dhaqanka oo isku dayay in ay soo kaa dhax galaan khilaafka ayaa ku guul darreystay xal u helidda jahwareerka doorashada, waxaana muuqata in xaaladdu sii cakirmi doonto maadama waqti yar ka haray mudda xileedka madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland.

Nala daawo warbixintaan aan ka diyaarinay, waxa uu salka ku hayo khilaafka doorashada Puntland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here