Friday, October 18, 2024

Maxaa kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (Dawan)- Shirka todobaad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee labada maalin ka socday magaalada Dhuusamareeb ayaa lasoo gabagabeeyay.
Madaxda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa kawada arrinsanaayay dhameystirka howlagallada dib u xoreynta, xasilinta deeganaada la xoreeyay iyo dib u heshiisiinta bulshada.
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa falanqeyn dheer kadib ku heshiiyay qodobadaan soo socda.
1. Howlgallada dib u xoreynta: Goluhu wuxuu adkeynayaa in dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo shacabka Soomaaliyeed si wada jir ah u xaqiijiyaan amniga deeganada la xoreeyay.
Goluhu wuxuu isku raacay in howlgallada la waafajiyo istiraatiijiyadda Qaran ee la dagaalanka Khawaarijta.
Goluhu wuxuu adkeynaya in dalku ku jiro xaalad dagaal ayna waajib tahay inaan loo kala harin dadaalada dib u xoreynta dalka.
Goluhu wuxuu go’aamiyay in la mideeyo qorshaha iyo hoggaanka howlgallada lagu cirib tiraayo Khawaarijta lana ballaariyo howlgallada dib u xoreynta .
2. Xasilinta deegaanada la xoreeyay: Goluhu wuxuu adkeynaya ahmiyadda ay leedahay hanashada guulaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed ee laga gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha kala duwan inay mideeyaan mashaariicda iyo adeegyada bulshada ee ay sida deg degga ugu baahanyihiin sida maamul u sameynta, amniga caafimaadka, caddaaladda iyo waxbarashada.
Goluhu wuxuu ka codsanayaa saaxibada caalamka ee Soomaaliya inay kaalmo wax ku ool ka geystaan degaaanada laga xoreeyay Khawaarijta.
3.U diyaar garoowga wajiga labaad ee howlgallada:Goluhu wuxuu isla qaatay in si wada jir ah loo dardargeliyo diyaar garoowga dowladda Federaalka iyo dowladaha xubna ka ah ay ugu jiraan wajiga labaad ee dagaalka lagu xoreynaayo deeganada wali ku jira gacanta Khawaarijta ee Jubbalanad, Koonfur Galbeed iyo Galbeedka wabi Shabeelle ee Hirshabeelle.
Goluhu wuxuu ku boorinaya dhallinyarada iyo horjoogayaasha Khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda iyaga oo ka faa’iideysanaaya fursadda xeerka cafiska, kana tanaasulaaya fikirka xagjirnimada.
4. Dib u heshiisin iyo nabadayn bulsho: Goluhu wuxuu go’aamiyay u diyaar garoowga dib u heshiisiinta shacabka Somaaliyeed si colaadaha ay Khawaarijtu dhax dhigeen xal waara looga gaaro.
Goluhu wuxuu faraya hay’adaha kala duwan ee dowladda inay dardar geliyaan fulinta istiraatiijiyadda iyo qorsha Qaran ee dib u heshiisiinta, nabadeynta bulshada iyo ciribtirka xagjirninada.
5. Qodobada kale: Goluhu wuxu adkeynaya midnimada iyo wada jirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed
Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsanyahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baaqaya labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan tallaabooyin sii dheereyn kara colaadda.
Goluhu wuxuu ugu baaqaya labada dhinac in ay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista.
Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqaya in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaalka Sool.

kulankaan uu shir guddoominaayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaan kasoo qeyb gelin shirka, inkasta oo ay Puntland sidaan oo kale hore u qaadacday shirarka Golaha Wadatashiga Qaran kadib markii khilaaf soo kala dhax galay madaxda sare ee dowladda Federaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here