Hargeysa (Dawan)- Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa maanta ku ansixiyay cod aqlabiyad leh wareegtadii uu Muuse Biixi Cabdi usoo gudbiyay ee uu ku aqbalay go’aanadii gudida dhex-dhexaadintu ka soo saareen Khilaafkii doorashada.
45 mudane oo ka mid ahaa 48 xubnood oo soo xaadiray maanta kulanka Wakiilada ayaa oggolaaday ansixinta go’aanadii ay soo saareen guddiga dhex-dhexaadinta ee khilaafka doorashooyinka iyo xisbiyada Soomaaliland.
Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray uga codsaday Golaha Guurtida iyo Wakiillada in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Soomaaliland.
Xisbiyada Mucaaradka ayaa si wada jir ah usoo dhaweyay go’aanadii ay soo saareen guddiga dhex-dhexaadinta, waxeyna tilmaamen in wada jir loo baahanyahay xilligaan si looga samata baxo dhibaatooyinka wiiqi kara jiritaanka Soomaaliland.
Guddiga dhex-dhexaadinta ayaa soo saaray in hal mar lawada qabto doorashada Madaxweynaha iyo furista xisbiyada, oo markii hore sababtay khilaaf siyaadeed oo soo kala dhex galay xukuumadda iyo xisbayada mucaaradka ah.