Addis Ababa (Dawan)- Wareega labaad ee wada xaajoodka biya xireenka Itoobiya ayaa ka billaawday caasimadda dalkaas ee Addis Ababa iyada oo ay goob joog ahaayeen mas’uuliyiin ka kala socda Masar, Suudaan iyo Itoobiya.
Masar iyo Suudaan ayaa walaac xooggan ka qaba biya xireenka ay sameysay Itoobiya kaas oo ay ku doneyso inay ka dhaliso koronto ku filan dadkeeda sidoo kalena ay u dhoofiso dalalka deriska la ah.
Wasaaradda Waraabka ee Masar ayaa sheegtay in ujeedka wada xaajodkaan cusub yahay in la dhameystiro wada xaajoodkii koowaad ee ka dhacay magaalada Qaahira sannadkii hore si xal waara oo dan u wada ah seddexda dal loo gaaro.
Wasiirka Waraabka ee Masar Hani Sweilem ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan wada hadallada inta laga gaarayo heshiis caddaalad ah oo kama dambeys ah.
Seleshi Bekele oo ah madaxa kooxda wada xaajoodka ee Itoobiya ayaa caddeeyay mowqifka Itoobiya ee ah in si siman oo macquul ah looga faa’ideysto biyaha webiga Niil, sida ku cad Mabaadii’dii lagu heshiiyay 2015.
Seleshi Bekele ayaa intaas ku daray in Itoobiya ay ka go’antahay ka mira dhalinta in la gaaro heshis loo marayo wada xaajood iyo is af-garad.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay billaawgii bishaan September in la dhameystiray biyo xireenka weyn ee Wabiga Niilka Buluuga ah, kaas oo la qorsheynayo in laga dhaliyo koronto daboosha baahida ay muwaadiniinta dalkaas u qabaan koronto ku filan.
Dowladaha Masar, Suudan iyo Itoobiya ayaa kawada xaajoonayay sidii heshiis looga gaari lahaa biya xireenka Itoobiya tan iyo sanadkii 2011, inkasta oo aan ilaa hadda wax guul ah laga gaarin wada hadalladaas.
Sidoo kale Midowga Africa aya ku guuldarreystay inuu xal u keeno khilaafka u dhaxeeya seddexdaan dal oo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho xasiloonada iyo nabadgelyada guud ee Qaaradda.