Saturday, July 27, 2024

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee khudbaddii Xamsa ka jeediyay QM

New York (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Kalfadhiga 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay , isaga oo tilmaamay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay sannadkii lasoo dhaafay dhinacayda amniga, la dagaalanka kooxda Al-shabaab, dib u a habeynta nidaamka maaliyaaded ee dalka iyo adeegayda guud ee bulshda sida caafimaadka iyo waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaranatahy in ay xaqiijiso seddex yool kuwaas oo kala ah, ciribtirka kooxda Al-shabaab, dhameystirka Deynt cafinta iyo in ciidanka xoogga Soomaaliyeed si buuxda ula wareego mas’uuliyadda amniga Qaranka kadib bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Mdiowga Africa.

Dhanka dagaalka Al-shabaab ayuu sheegay in ciidanka iyo dadka Soomaaliyeed oo iskaashanaya kala wareegeen kooxda Al-shaabab 45% dhulkii ay hore u maamuli jirtay taas oo sida uu sheegay caddeyn u ah in Soomaaliya ay awooddo in ay iska saarto kooxaha argagixisada.

Sidoo kale, Xamsa ayaa carrabka kua dkeeyay in Soomaaliya ay diyaar u taahy in mas’uuliyadda kala wareegto ciidmada nabad ilaalinta ee Midowga, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliya awood u leedahay xakaameynta isticmaalka iyo keydinta hubka kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay codsigii Soomaaliya ay ku dooneysay in laga qaado cuna qabateynta hubka ee saaran tan iyo 1992-kii, isaga oo ku tilmaamay cuna qabateyntaas tii ugu dheereed uguna saameynta badneed ee dal lagu soo rogo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri ” Haddii nagala qaado cuna qabteynta hubka, waxaan awood u yeelaneynaa inaan ka adkaano argagixisada sidoo kalena dadkeyna u sameyno mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in arrimha deyn cafinta laga gaaray heer wanaagsan kadib markii Soomaaliya ka gudubtay shuruudhii dib u habeynta nidaamka maaliyeed ee dalka iyada oo ugu dambeyn lasoo gaaray qeybtii ugu dambeysay oo ah shaacinta go’aanka deynta looga cafinayo Soomaaliya.

Xamsa ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay al-baabada u fureyso maalgashiyaalka caalamiga ee daneynaaya in maalgashi ka sameeyaan Soomaaliya isaga oo yiri “ Maalgasho Soomaaliya, Maalgasho Mustaqablka”

Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay dhibbane u tahay saameynta isbeddelka cimilada, iyada oo dalka ay ka dhaceen sannadihii ugu dambeeyay abbaaro iyo fatahaado soo noqnoqda, wuxuuna caalamka ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii xal loogu heli lahaa isbeddelka cimilada iyo qaaca hawada lagu sii daayo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaaraha ayaa ka hadlay dhibaatooyinka caalamiga sida isbeddelka cimillada, coaladaha, cudurada iyo khataraha tigcnolljiyadda casriga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay caamaka in dib u habeyn lagu sameeyo hay’adaha caalamiga ah si kor loogu qaado horumarka iyo xasilloonida maaliyadeed isaga oo xusay in maanta la joogo waqtigii laga gudbi lahaa nidaamyada dowliga ah ee duugubay loona baahanayahay in la sameeyo nidaam leh qiyam laguna gaari karo horumar loo dhanyahay

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here