Friday, October 18, 2024

Liiska hordhaca ah ee xulka Soomaaliya oo lasoo saaray

Muqdisho (Dawan)- Tababaraha xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, Rachid Lousteque oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ku dhawaaqay liiska hordhaca ah ee ciyaartooyda Soomaaliya uga qeyb geleysa isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2026.

Ciyaayrtooydaan oo ka kooban 35 ayaa isagu jira kuwa ka ciyaaraha gudaga dalka iyo dibaddiisa, waxaana lagu soo xushay sida uu Rachid Lousteque sheegay qaab ciyaareedki ay soo bandhigeen bilihi lasoo dhaafay iyo dadaalka ay ka muujiyeen ciyaarihi ay ka qeyb qaateen.

Halkaan hoose ka akhriso Magacyada Ciyaartooyda:

Tababare Rachid Lousteque ayaa sheegay in xulka Qaranka Soomaaliya u safri doono dalka Morocco si uu kulamo saaxibtinimo ugu ciyaaro isaguna diyaariyo kulanka soo socda oo ay la ciyaari doonaan xulka Algeria.

Soomaaliya ayaa gashay Group-ka G oo ay ku wada jiraan wadamada Algeria, Mozambique, Botswana, Guinea, iyo Uganda.

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay xulka 17-da Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ayaa billaabay in ay ku qancaan metelaadda Soomaaliya taas oo markii hore aad u cusleed iyada oo loo sababeynayo isbeddelka ka dhacay kubadda cagta iyo guud ahaan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here