Friday, October 18, 2024

Mashaariic horumarineed oo laga fuliyay dowlad Deegaanka Soomaalida

Jig-jiga (Dawan)- Xafiiska Waraabka dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay ku guuleystay inuu hirgeliyo Mashaariic horumarineed oo waxtar u leh bulshada deegaanka.

Maxamad Faatax Maxamad oo ah Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday in la fuliyay 87 mashruuc, iyada oo ay jiraan mashaariic kale oo dhawaan la dhameystiri doono fulintooda.

Mashaariicda lagu guuleystay in la hirgeliyo shantii sano ee lasoo dhaafay ayaa isagu jira dhinacyada Beeraha, Helidda Biyaha Nadiifka, Waddooyinka iyo Warshadaha.

Dhinaca Beeraha waxaa la hirgeliyay 33 mashruuc oo dhamaaday, halka 12 mashruucna fulintooda ay socoto, waxaana la qorsheeyay in 21 mashruuc oo kale la bilaabo dhawaan.

Xafiiska Waraabka ayaa sidoo kale kordhiyey Dhul Beereedka ku baxaya dhinaca waraabka iyadoo la adeegsanayo biyaha wabiyada iyo kuwa ceelasha si kor loogu qaado wax soo saarka dalaga beeraha.

Wasiirka Waraabka ayaa tilmaamay in la dhameystiray qodista 28 ceel, halka 16 kale ay socoto howshooda.

Qalab iyo agabyo kala duwan oo ay ku jiraan Matooro ayaa loo qeybiyay Beeralayda si ay ugu qabsadaan howl maalmeedkooda dhanka beeraha ah iyo wax soo saarka.

Maxamad Faatax Maxamad ayaa sheegay in maamulku hiigsanayo in isku filnaansho laga gaaro wax soo saarka iyada oo lagu wado in laba kun oo qoys in ay ka faa’iideystaan 1,700 oo Hiktaar oo dhul beereed ah.

Dhinaca Wadooyiinka, waxaa la hirgeliyay 20 mashruuc oo isagu jira waddooyin iyo buundooyin, iyada oo ay socoto ballaarinta mashaariicda lagu hormarinayo dhinacyada waddooyinka si ay u fududaato isku gooshidda magaalooyiinka iyo deegaanada kala duwan.

Dhinaca Warshadaha ayaa lagu guuleystay in la hirgeliyo Warshadaha Malabka, Digaaga, Xabuubta, Yaanyada iyo Caanaha kuwaas oo dhammaantood kusoo kordhin doona deegaanka wax soo saar iyo shaqo abuurka tira badan oo dhallinyaro ah.

Maamulka dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Qurba-joogta in ay maalgelin ka sameeyaan deegaanka si horumar looga sameeyo dhinacayda ganacsiga sidoo kalena ay dadka deegaanka ugu noqoto shaqo abuur.

Is-beddelkii ka dhacay dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dhammaan Itoobiya ayaa abuuray fursado iyo furfurnaan ganacsi taas oo keentay in ay dib usoo laabtaan Qurba-joog badan oo daneeynaya in ay sameeyaan maalgashi iyo wax u qabashada dadkooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here