Saturday, July 27, 2024

Golaha Ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay ATMIS

New York (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meelmariyay qaraar muddada loogu kordhinayo xafiiska hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) muddo lix (6)bilood ah, taas oo ku eg 30-ka June, 2024-ka.

Qaraarka oo tirsigiisu yahay 2710, ayaa kalsooni buuxda ka helay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka.

Qaraarka ayaa looga codsaday dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika in ay sameeyaan qiimeyn farsamo oo wadajir ah ugu dambeyn 31-ka Maarso, 2024, si loo qiimeeyo wajiga 2-aad ee dhimista ciidamda ATMIS.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale si wadajir ah u ansixiyay qaraar ku saabsan cunaqabateynta saaran Soomaaliya ilaa 1-da Decemeber 2023, si fursad loo siiyo hannaanka wada xaajoodyada kordhinta tillaabooyinka xaddidan.

Qaraarkaan ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in dib loo cusboonaysiiyo shaqada guddiga khubarada ah ee caawiya Guddiga Cunaqabateynta, ilaa 31-da December 2023.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii September u dirtay  Qaramada Midoobay codsi lagu hakinayo bixitaanka 3,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika muddo seddex bilood ah.

Codsigaan ayaa lagu sababeeyay in Ciidanka Xoogga Soomaaliya u baahanyahay  soo kabasho iyo waqti si ay dib isagu abaabulaan oo ay usii wadaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Midowga Afrika ayaa taagero u muujiyay codsigii ay Soomaaliya u dirtay Qaramada Midoobay, inkasta oo ay billawgii ka caroodeen dowladaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya qaabki loo maray hakinta ciidamada.

Wajigii kowaad ayaa Soomaaliya laga saaray 2,000 oo askari, iyada oo lix Saldhig lagu wareejiyay Ciidaanka Xoogga Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here