Saturday, July 27, 2024

Aby Axmed oo gacan seddexaad ku eedeeyay hurinta colaad ka dhalata Geeska Afrika

Addis Ababa (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo hor-tagay Baarlamaanka dalkiisa si uu uga jawaabo su’aalo la xiriira xaaladihii ugu dambeeyaya ayaa meesha ka saaray walaaca laga qabo xiisadda ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib heshiiska Badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in uusan u malaynayn in Dowladda Soomaaliya ay rabto inay dagaal la gasho Itoobiya, laakiin wuxuu ka digay in ay jirto awood seddexaad oo rabta in ay colaad ka huriso Gobolka, iyada oo ka faa’iideysaneysa xiisadda jirta.

“Dadka Itoobiya iyo Soomaaliya waxay wadaagaan dhiig, Dad badan oo Itoobiyaan ah ayaa u dhintay nabadda Soomaaliya. Ma jiro dal ku bixiyay nabadda Sooamaliya inta ay Itoobiya ku bixisay oo kale, sababtuna waxay tahay in nabadda Soomaaliya ay tahay nabadda Itoobiya,” ayuu yiri, Abiy Axmed.

Saaxiibtinimada labada dal ayuu ku tilmaamay mid aad u adag, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya aysan rabin in wax dhibaato ah u geysto xiriirka Saaxiibtinimo ee kala dhaxeeya Soomaaliya.


Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa eed dusha ugu taaray awood seddexaad iyo warbaahinta kala duwan isaga oo sheegay in ay doonaayan in ay colaad dhax dhigaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Itoobiya waligeed dal kuma soo duulin taariikhda. Qofna uma socono, laakiin haddii qof noo yimaado, ha ka welwelina, sida ugu habboon ayaan idiin difaaceyna” ayuu ku yiri, Xildhibaanada.

Waxa uu carabka ku dhuftay in hamiga Itoobiya uu yahay horumarka iyo barwaaqada dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in haddii Soomaaliya iyo Somaliland ay midoobaan in ay Itoobiya ay noqon doonto Dowladda ugu horeysa ee dabaal degta.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah u sheego magaca Somaliland, wuxuuna taa beddelkeeda diiradda saaray xiisadda iyo magaca Dowladda Soomaaliya.

Hadalka Abiy ayaa kusoo beegmaya iyada oo ay Dowladda Soonmaaliya sheegtay in aysan wax gorgrtan ah ka geli doonin heshiiska Badda iyo qaabka loo maray oo ay ku tilmaamtay xad gudub cad oo lagu sameeyay madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dhammaan Ururada Caalamiga ah iyo Dowladaha daneeya Gobolka ayaa ka digay xiisad cusub oo ka dhalata Geeska Afrikaa, waxeyna ugu baaqeen Itoobiya in ay ixtiraamto madax bannaanida Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here