Saturday, July 27, 2024

ATMIS oo war kasoo saartay toogasho ka dhacday Madina Gate

Muqdisho (Dawan)- Warsaxaafaadeed kasoo baxay Ciidamada Midowga Afrika a ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu toogteen nin doonayay inuu si sharci darro ah kusoo galo mid ka mid ah saldhigyadooda, sidoo kalena dhaawac u geystay asgari ka tirsan ATMIS.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “ Maalintii Axadda, waxey Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS fashiliyeen isku day lagu doonayay in lagu jebiyo hannaanka ammaanka ee albaabka Madiina ee laga soo galo Saldhigga ciidamada . Ninkaan ayaa isku dayay inuu sidoo kale galo xafiisyada Qaramada Midoobay isaga oo aan soo marin baaritaanka amniga

Bayaanka ayaa intaas ku daray in muran dhex maray  Asgari ka mid ah ciidamada ATMIS iyo ninkii laga shakiyay oo diiday inuu maro hannaaka hubinta, isaga oo middi uu watay ku dhaawacay asgarigi.

Asgari kale oo goobta ka dhawaa ayaa arkay, wuxuuna dilay ninkii weerarka soo qaaday, sida lagu sheegay bayaanka.

ATMIS ayaa warsaxaafadeedkeeda kusoo gabagabeysay in laamaha Amniga ee Soomaaliya iyo ATMIS ay kawada shaqeynayaan baaritaan ku saasbasan dhacdada, iyada oo asgarigii dhaawacmayana hadda lagu daweynayo mid ka mid ah isbitaalada ATMIS ee Muqdisho.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here