Saturday, July 27, 2024

Axmed Madoobe oo magacaabay Wakiilka Jubbaland ee Kenya

Kismaayo (Dawan)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay Sadiiq Cabdullaahi Bogale in uu noqdo wakiilka Jubbaland u qaabilsan dowladda Kenya

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa hore isagu dayay inuu wakiil u magacaabo Kenya balse uma shaacin si rasmi ah sida magacaabistaan hadda kasoo baxday xafiiskiisa.

Jubaland ma ahan Maamul Goboleedkii ugu horeeyay ee wakiil u magacaawda dal shisheeye, waxaana jirta in Maamul goboleedyada Puntland iyo Koonfur Galbeed ay hore u magacaabeen wakiilo u qaabilsan dalal shisheeye.

Axmed Madoobe ayaa xiriir dhow la leh dowladda Kenya iyo madaxdeeda, waxaana magacaabistaan loo arkaa mid uu ku doonayao inuu dowladda Kenya uga helo taageero siyaasadeed uu kusii xajisan karo hoggaaminta Jubbaland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here