Saturday, July 27, 2024

Xamsa: Helitaanka kaarka aqoonsiga waa xaq dastuuri ah

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay barnaamijka qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha ee 16-ka Sebtembar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda Soomaaliya ay meel marisay shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, hagina lahayd Hay’adaha ku shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran.

“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here