Saturday, July 27, 2024

Horumar laga sameeyay adeegyada Caafimaad ee dowlad Deegaanka Soomaalida

Jig-jiga (Dawan)- Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee  Itoobiya, ayaa dadaal badan ku bixiyay sannadihii lasoo dhaafay in wax laga qabto adeegga caafimaad ee ay bulshadu u baahantahay iyada oo la kordhiyay goobaha laga heli heli karo isbitaalada iyo xarumaha caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee  Itoobiya, Dr. Muusa Axmad Ibraahim ayaa shaaca ka qaaday in isbeddelkii ka dhacay Itoobiya kadib laga  hirgeliyay deegaanka 9 Issbitaal oo cusub kuwaas oo shaqa billaabay

Wasiirka ayaa intaas ku daray in sidoo kale la kordhiyay xarumaha caafimaad ee deegaanka iyo guryaha shaqaalaha caafimaadka, waxaana  dayactir iyo dib u ballaarin lagu sameeyay todobo isbitaal.

Howlaha kale ee la qabtay, waxaa ka mid ah in la badiyay goobaha laga heli karo adeegga kaydka Dhiigga si looga baxo dhibaatda ka jirta dhiig la’aanta lala kulmo marka loo baahdo.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ee  Itoobiya ayaa ka  hirgelisay magaalooyinka Fiiq, Goday, Hargeele Wardheer, Biki iyo Gaashaamo xarumaha kaydka Dhiigga, iyada oo la wado qorshe lagu sii ballaarinayo xarumaha laga heli karo Dhiigga.

Dadaalladda wax looga qabnaayo baahida adeegga Gurmadka deg-degga ayaa kor loo qaaday, waxaana la howl geliyay 136 ambulances kuwaas oo qeyb weyn ka qaadan doona in bukaanka la gaarsiiyo goobaha caafimaad waqtiga ugu habboon.

Waxaa kale oo lagu guuleysatay in la qalabeeyo xarumihii iyo isbitaalladii caafimaad ee hore u jiray iyo kuwa cusub ee lagu soo kordhiyay magaaloyiinka kala duwan, sida lagu sheegay warbixin laga soo saaray horumarka laga sameeyay adeegyada dhanka caafimaadka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee  Itoobiya.

Warbixinta ayaa lagu yiri, iyada oo laga duulayo qorsha dardargelinta ee adeeyada caafimaadka ayaa Wasaaradda caafimaadka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida waxey shaqaaleysiisay in ka badan 5,080 shaqaale kuwaas oo isagu jira Dhakaatiir takhasus gaar ah leh,  Dhakhaatiir guud iyo xirfadlayaasha kale ee caafimaadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here