Wednesday, December 4, 2024

Baaqashada kulamada Baarlamaanka oo la maareyn la’yahay

Muqdisho (Dawan)- Kulankii maanta ee labada aqal ee baarlamaanka, oo lagu waday in lagu ansixiyo xeerka xisbiyada iyo ururrada siyaasadda, ayaa baaqday, iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay baaqashada. Si kastaba ha ahaatee, tani maaha markii ugu horreysay oo kulan baarlamaan uu baaqdo, taas oo badanaa sabab looga dhigo kooram la’aan ama khilaafaad siyaasadeed oo taagan.

Waxaa adag inta badan in seddexda maalin ee Golayaashu Baarlamaanku leeyihiin fadhiayda ay si buuxda u qabsoomaan kulamdooda, taas oo dib u dhac u keeni karta xeerar u baahnaa in la meel mariyo.

Baarlamaanka ayaa dhawaan dhawaan ansixiyay xeerarka dhisidda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, inkasta oo uu la kulmay diidmo xooggan oo ka timid qayb ka mid ah siyaasiyiinta iyo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Qaar ka mid ah xildhibaanada kasoo jeeda Puntland iyo Jubaland ayaa qaadacay fadhiyada baarlamaanka, waxayna ku eedeeyeen xukuumadda iyo hoggaanka guddoonka baarlamaanka inay baalmareen hab-raaca sharciga ah ee dhisidda guddiyada doorashooyinka madax bannaan iyo nidaamka asxaabta siyaasadda.

Baaqashadan ayaa sidoo kale timid iyadoo fasax uu baarlamaanka geli lahaa dib loo dhigay muddo bil ah si loo dardargeliyo ansixinta xeerarka doorashooyinka, iyada oo laga jawabaayo codsi rasmi ah oo Baarlamaanka uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here