Saturday, July 27, 2024

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay gabagabada doorashada Puntland

Muqdisho (Dawan)- Qoraal kasoo baxay Xafiiska Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay sida nabadda ah ee ay kusoo gabagabowday doorashadii hoggaanka Maamul Goboleedka Puntland.

“Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamku waxay soo dhaweynayaan gabagabada doorashada madaxtinimada Puntland ee 8-di Janaayo 2024. Waxaan ku bogaadinaynaa shacabka Dowlad Goboleedka Puntland hannaanka nabadda ah ee ay u qabteen doorashada” ayaa lagu yiri, War-saxaafadeeda Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku ammaantay dhammaan Siyaasiyiinta sida nabadda ah ee ay uga qeyb galeen doorashada iyaga oo ilaashanaya jawiga nabadeed, waxeyna mar kale ku celiyeen baaqoodi ahaa in khilaaf kasta oo la xiriira doorashada lagu dhameeyo wada hadal iyo qaab nabad ah oo loo marayo hannaan sharci ah.

War-saxaafadeeda Beesha Caalamka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Saaxibada Soomaaliya ay si xooggan u dhiirigelinayaan in la ballaariyo hannaanka ay haweenka iyo dhallinyaradu uga qeyb geli karaan doorashooyinka mustaqbalka, waxeyna ballan qadeen in ay sii wadi doonaan taageerada dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan maamulka dimuqraadiga ah iyo in horumar laga sameeyo sidii loo qaban lahaa doorasho cadaalad ah, daahfuran, oo toos ah.

Dhanka kale, Xafiiska Howlgalka ku meel gaar ah ee Midowga Afrika ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Siciid Cabdullaahi Deni, kadib dib u doorashadiisa.

Danjire Maxamed El-Amine Souef, Madaxa ATMIS ahna wakiilka Midowga Afrika ayaa yiri, “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Deni oo ku guuleystay in dib loo doorto. ATMIS waxaa weli ka go’an in ay taageerto Madaxweyne Deni iyo Dowlad Goboleedka Puntland si loo sii wado dadaallada aan kala go’a lahayn ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya”

kadib khilaafaad hareeyay hanaanka doorashooyinka Maamul Goboleedka Puntland bilihii lasoo dhaafay, waxaa 8-dii bishaan dib loogu doortay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni kaas oo hoggaamin doona Maamulkaas shanta sano ee soo socota.

Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa isaguna loo doortay inuu noqdo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here