Saturday, July 27, 2024

Go’aanka Jabuuti ee xiiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa mar kale war kasoo saartay xiisadda Badda ee ka dhalatay heshiiskii is-afgradka ahaa ee Dowladda Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen 1-dii bishaan January.

Shir ay Golaha Wasiirada Jabuuti ka yeesheen saameynta ay xiisaddaan ku yeelan karto xasiloonida Gobolka ayaa si cad loogu taageeray madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa hore u caddeysay mowqifkeeda ku aaddan heshiiskii is-afgradka Badda ee ay kala saxiixdeen Dowladda Itoobiya iyo Somaliland 1-dii bishan January.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Dowladaha xubanaha ka ah Urur Goboleedka IGAD.

“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka Urur Gobolleedka IGAD waxay xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti.

Tan iyo markii uu heshiiska Badda ee Somaliland Iyo Itoobiya soo if-baxay, waxaa isa soo tarayay baaqyada ka imaanya Ururada Caalamiga ah iyo Dowladaha daneeya Gobolka kuwaas oo dhammaantood soo jeediyay in xasiloonida Gobalka ay ku jirto ixtiraamka madax bannaanida iyo midnimada dhulleed ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digtay isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay kaga jawaabeyso tillaabada ay qaaday Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here