Wednesday, December 4, 2024

Denmark oo ka garaabtay hadal ka careysiiyay Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku xaqiijisay kulan gaar ah oo dhex maray Wasiir Axmed Maallin Fiqi, iyo Safiirka Denmark ee Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Kulanka ayaa yimid ka dib hadalladii uu dhawaan ka yiri safiirku doorashada Somaliland, taas oo keentay in looga yeero wasaaradda arrimaha dibadda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Safiir Andersen uu mar kale xaqiijiyay in dowladda Denmark ay si buuxda u ixtiraamayso midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in “Somaliland” ay qeyb ka tahay Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in Denmark ay sii wadi doonto inay taageero siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhisidda dowladnimo, la tacaalida isbedelka cimilada, iyo xoojinta nabadda iyo amniga gobolka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in labada dal ay sii yeelan doonaan iskaashi dhow ee ku saabsan arrimaha muhiimka ah labada dhinac .

Labada mas’uul ayaa sidoo kale barahooda bulshada ku baahiyay hadallo tilmaamaya siyaasadda iyo mowqifka Denmark ee ku saabsan midnimada Soomaaliya.

” Safiirku wuu ka garaabay qaabka uu u yiri hadalka, wuxuuna caddeeyey in Denmark ay madaxbanaanida, gobonimada iyo midnimada Soomaaliya ixtiraamayso, una taqaan Somaliland qeyb ka mid ah Soomaaliya.” Sidaas waxaa bartiisa X kusoo qoray wasiir Fiqi.

Dhankiisa Safiir Andersen ayaa bartiisa X kusoo qoray ” Denmark waxay sii wadi doonta inay ixtiraamto midnimada dhuleed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland”

Safiirka Denmark ee Soomaaliya ayaa ka mid ahaa diblomaasiyiin dhawaan booqday Hargeysa, si ay ula socdaan doorashadii ka dhacday Somaliland balse Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku eedeysay inuu ku xadgudbay midnimada iyo madaxbannaanida dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here