Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo sugeysa in laga qaado cunaqabateynta hubka 30 sano ka dib

New York (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimca ah lagu wadaa inay u codeeyaan in Soomaaliya laga qaado xayiraaddii iyo cunaqabateyntii hubka ee saarneed muddo ka badan 30 sano.

Soomaaliya waxaa cunaqabateynta hubka lagu soo rogay 1992-kii si loo joojiyo qulqulka hubka ee ay helayeen dagaal oogayaashii isku hayay maamulka, kuwaas oo xukunka ka tuuray, Madaxweynihii xilligaas, Maxamed Siyaad Barre.

Ceyrintii Siyaad Barre kadib, dalku waxa uu galay dagaal sokeeye kaas oo sababay in dowladdii dunto laguna guul darreysto in lasoo celiyo maamulkii iyo kala dambetntii nidaamka.

Xubnahan Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimca ah ay ansixiyaan labo qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Britain, waxayna kala yihiin in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo dhan iyo in dib loogu celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Qaraarku waxa uu walaac ka muujiyay yaraanta tirada xarumaha lagu kaydiyo hubka ee Soomaaliya, waxa uun ku baaqaya in laga caawiyo Soomaaliya sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa goobaha lagu keydiyo hubka ee guud ahaan dalka.

Kooxda Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii 2006-dii waxey dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyada oo dadaal ugu jirtay sidii ay Soomaaliya uga hirgelin lahayd maamul ku salleysan sida ay u fahmeen shareecada Islaamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer dadaal ugu jirtay in laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u xoojiso awooda iyo hubka ciidamadeeda dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab, iyada oo la billaabay in qeyb ahaan laga qaado sannadkii 2013-ki

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore ka horsheegay Labada Gole ee Baarlamaanka in Soomaaliya ay heysato kaliya hal sano sidii ay Al-shabaab uga saari lahayd dalka maadaama ciidamada nabad ilaalinta Africa ee ATMIS ay dalka ka baxayaan dhammaadka sannadka 2024

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here