Saturday, July 27, 2024

Caabuq indhaha saameeya oo ka dillaacay Mombasa

Mombasa (Dawan)- Ismaamulka Mombasa ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay dadka deegaanka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta nadaafadda, ka dib markii halkaas laga soo tabiyay kiisas la xiriira caabuq indhaha ku dhacaya.

Bayaan kasoo baxay Waaxda caafimaadka ee Ismaamulka Momabasa ayaa lagu sheegtay in caabuqan uu yahay mid la isku gudbin karo, sidaas darteedna ay muhiim ah tahay la muujiyo digtooni dheeri ah iyo xiriir lala yeesho laamaha caafimaadka.

Caabuqan oo indhaha casaan ka dhiga ayaa astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah, xasaasiyad ama indho cuncun, barar iyo dheecaan indhaha ka imaanaya.

Waxaa dadka deegaanka loogu baaqay inay u hoggaansamaan fariimaha laamaha caafimaadka ee looga hortegayo caabuqan oo ay ka mid tahay in in lagu dadaalo nadaafadda.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasaaaradda caafimaada ee dalka Tanzania oo deriska la ah Kenya ay soo saaryay digniin sare oo ku saabsan isla caabuqan.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaa lagu arkayay maalmihii lasoo dhaafay qaar ka mid ah oo dadweynaha oo ka cabanaya dhibaato dhanka indhaha ah inaksta oo aysan laamaha caafimaadku soo saarin ilaa iyo hadda farriimo la xiriira arrimahaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here