Saturday, July 27, 2024

Muxuu yahay barnaamijka kobcinta Karaanka Aadanaha ?

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya waxa ay maanta ka furtay magaalada Muqdisho shir ku saabsan kobcinta Karaanka Aadanaha, iyada oo ay goob joog ka yihiin mas’uuliyiin kala duwan oo ah heer Federaal iyo mid maamul goboleed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah-furay barnaamijka ayaa sheegay in kobcinta Karaanka Aadanaha ay muhiim u tahay in bulshooyinka soo koraaya ee doonaya in ay la jaan qaadaan umadaha kale ee hormaray.

“Bulsho karaankeedu hooseeyo, lama loolami karto caalamka intiisa kale, iskamana celin karto cadowga muuqda ee lidka ku ah iyo midka qiiqa isku qariya ee dibindaabyeynaya, Waxaase intaa oo dhan ka muhiimsan in la maalgeliyo lana dhiso karaanka iyo kartida bulshada”. ayuu yiri, Xamsa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddiisu ay hiigsanayso isbeddel xooggan oo ku dhisan awoodda bulshada, taas oo horseedi karta isbeddel muuqda oo ku yimaadda caqliga iyo xoogga dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Bulsho aan lahayn dabaqad aqoon iyo xirfad sare leh, ma gaari karto nolol wanaagsan, qeyrkeedna lama tartami karto, mana hiigsan karto himilooyinka sarreeya ee ay madaxdeedu ku taamayaan, sidaa awgeed, waa in bulshadeennu ay heshaa waxbarasho loo siman yahay, fursado shaqo oo loo siman yahay, iyo adeeg caafimaad oo tayo leh”. ayuu markale yiri, Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Dhanka kale, waxa uu Xamsa tilmaamay hodontinimada iyo khayraadka kala duwan ee u gaarga ah Soomaaliya kuwaas oo looga faa’iidaysan karo horumarinta dalka iyo dadka.

Waa maxay barnaamijka kobcinta Karaanka Aadanaha?

kobcinta Karaanka Aadanaha waxaa looga jeeda wadarta aqooneed, xirfadeed iyo caafimaad ee uu qofku heli karo inta uu noolyahay, arrimahaas oo u sahlaya in uu noqodo qof leh wax soo saar.

Waxaa la yareyn karaa faqriga, lana abuuri karaa bulsho leh horumar loo dhanyahay, iyada oo loo marayo barnaamijka kobcinta Karaanka Aadanaha.

Arrintan waxa ay u baahantahay in bulshada laga maalgeliyo dhinacyada nafaqeynta, daryeelka caafimaadka, waxbarashada, shaqooyinka iyo xirfadaha.

Ujeeddada laga leeyahay waxaa ka mid ah in horumar degdeg la sameeyo si loo gaaro in dhammaan carruurtu galaan waxbrashada iyaga oo caafimaad qaba sidoo kalena ay helaan waxbarasho tayo leh oo soo saari karta dad awood u leh in ay suuqa ka shaqeeyan iyaga oo xanbaarsan xirfad sare.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here