Saturday, July 27, 2024

Ciidamada ilaalada xeebaha Jabuuti oo u dabaal degay sannad guuradii 13-aad

Jabuuti (Dawan)- Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Jabuuti ayaa u dabaal degay sannad guuradii 13-aad ee kasoo wareegtatay markii dhidibada loo taagay.

Xaflad lagu dhigay xarunta ciidamada ilaada xeebaha ee Jabuuti ayay ciidamadu ku gaardinayaan saf, sinnaan iyo saanqaad wada socda oo lagu laray dhawaqa music-da u gaarka ah.

Waxaa isha la raacaya muuqaalka quruxda badan ee ciidanka, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil, Wasiirka kaabayaasha iyo qalabeeynta  Xasan Muxumad, Talyaha guud ee ciidamada qalabka sida sarreeye guute Sakariye Sheekh Ibraahim iyo Wacays Cumar Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha.

Ciidanka ilaalada Jabuuti waxa ay muddooyinkii ugu dambeeyey sameenayeen howlgallo lagu hubinayo xasiloonida iyo amniga xeebaha dalka.

Jabuuti oo dhacda isgooyska marinada Badda aduunka ayaa hadana dekadaheedu waxa ay isku xiraan seddexda qaaradood ee kala ah Afrika, Asia iyo Yurub, taas oo u suurta gelisay dowladda Jabuuti in ay kaalin weyn ka qaadato isu gooshidda badeecada kala duwan iyo is weydaarsiga ganacsida dunida.

Dowladda Jabuuti waxa ay sheegtay in maal galin baaxad leh ay ku sameeysay dhanka badda oo ay qeyb ka ahayd dhisidda ciidamada ilaalada xeebaha kuwaas oo kaalin weyn ka qaatay sannadihii lasoo dhaafay amniga dalka iyo guud ahaan Gobolka.

Munaasabadda waxaa lagu soo gunaanaday, hadimo sharafeed loo sameeyey ciidanka ilaalada xeebaha, , martida kasoo qeyb gashay xuska oo isagu jira mas’uuliyiinta dalka iyo dalalka saaxibada la ah Jabuuti.

Dalka Jabuuti oo dhaca goob istiraatiiji ah ayaa soo jiitay indhaha caalamaka iyo loolanka dalalka ugu awooda badan dunida, waxaana saldhigyo ciidan iyo maalgashi kala duwan ka sameystay Faransiiska, Mareykanka, Ruushka, Talyaaniga, Shiinaha, iyo dhowr waddan oo Carbeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here