Saturday, July 27, 2024

India oo $250 milyan ku maalgelineysa Kenya

New Delhi ( Dawan) – Dowladaha Kenya iyo India ayaa kala saxiixday  heshiis ay ku kacayso lacag dhan 250 milyan oo dollar, si ay Dowladda India ugu samayso malgalin ballaaran oo ah dhinacyada kala duwan ee adeegyada bulshada.

 Heshiiskaan ayaa ku saabsan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, caafimaadka, waxbarashada , dhaqaalaha casriga ah , cilmi baarista iyo wax soo saarka beeraha.

Arrintaan ayaa timid ka dib wada hadallo ay yeesheen Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto iyo Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi xilli uu Ruto boqosho laba cisha ah ku tegay dalka India .

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka dhaqaale ee Kenya kala dhexeya dalka India ka dib markii ay wada saxiixdeen heshisyo dhowr ah.

Ruto ayaa Modi uga mahadceliyay taageeradaan wuxuuna u xaqiijiyay in dowladda Kenya ay si deg-deg ah u guda geli doonto barnaamijyada ay labada dhinac ku heshiiyeen.

Sidoo kale  Ruto ayaa caddeeyey in Kenya ay soo jiidanayso maalgashatada daafaha caalamka si ay qayb uga noqdaan qorshaha horumarka dhaqaalaha ee ku salleysan in laga soo billaabo meel hoose si loo taageero ganacsatada yaryar.

Dhanka  kale, Kenya iyo India ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi waxbarasho oo ay yeelanayaan jaamacadda OPEN University ee Kenya iyo Jaamacadda Indira Gandhi National Open University ee dalka India.

Kenya iyo India ayaa leh xiriir xoogan oo soo jireen ah kaas oo soo billaawday qarnigii 18-aad.

Dowladda Kenya ayaa xooga saaratay waayihii u dambeeyay xiriirka dowladha qaaradda Asia ee leh dhaqaalaha ballaaran, waxeyna bishii October ee sannadkaan dhowr heshiis kala saxiixdeyn  dalka China kuwaas oo ku saabsanaa dhinacyada Isgaarsiinta, Tiknooljiyadda, Dawooyinka, Korontada iyo Dhismaha waddooyinka iyada oo ay ku kacayso 63 bilyan oo lacagata Kenya ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here