Saturday, July 27, 2024

Xasan Sh: Ma dooneyno in dunidu ka qoomameyso ka qaadista cunaqabateynta

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay yeelan doonto hay’ado iyo mas’uuliyiin cusub oo u qaabilsan habka maamulka hubka iyo rasaasta, isaga oo ugu digay dadka Soomaaliyeed in dunido ka shalleyso go’aanka Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka.

“Ma dooneyno adduunyadu in ay ka qoomameyso oo la yiraahdo, war kuwaan maxaa cunaqabateynta loo qaaday” ayuu yiri, Madaxweyene Xasan oo ka qeyb gelayay maanta munaasabad loogu mahad celinayay dowladihii codkooda ku taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka Qaramada midoobay ay Cunaqabataynta hubka ee saarneed dalka ku dhawaad 32 sano.

Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in dowladdu ka shaqeyneyso sidii dunida loo tusi lahaa in go’aanka cunaqabateynta hubka loo qaaday uu ahaa mid sax ah oo la rabay in xilli hore la qaado.

Madaxweyne Xasan ayaa sameeyay tillaabo aan hore looga baran inta badan madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyaaed taas oo ah inuu bogaadiyay madaxdii kala duwaneed ee kasoo shaqeysay in ugu dambeyn Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, isaga oo yiri

“Shaqadaan la qabtay, haddii ay tahay ku biirista Suuqa Bulshada Bariga Afrika, haddey tahay cunaqabateynta, Ma ahan shaqo maalin billaabatay oo maalin dhamaaatay. Shaqo soo socotay oo dad kala duwan, xukuumado kala duwan, hoggaamiyayaal iyo madaxweynayaal kala duwan soo qabteen waaye … Bulakeeti bulakeeti lasoo dul saaray ayaa meeshaan lagu yimid”.

Dhanka kale, Anita Kiki Gbeho oo ah ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa ku tilmaamtay tillaabada uu qaaday Golaha Ammaanka mid taarrikhi ah oo muujineysa in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhanka maareynta hubka.

“Anigoo ku hadlaya magaca UNSOM, waxaan jeclaan lahaa inaan Soomaaliya ugu hambalyeeyo qaadista cunaqabateynta hubka. Go’aankan taariikhiga ah ee Golaha Ammaanka waxa uu muujinayaa horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatay muddadii ay jirtay, gaar ahaan marka loo eego halbeegga la dejiyay 2022-ka ee ku saabsan maaraynta hubka iyo rasaasta,” ayay tiri Marwo Kiki.

Danjire Maxamed El-Amine Souef, Madaxa ATMIS iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa qiray guulaha Soomaaliya ay ka gaartay xoojinta hay’adaha amniga iyo hirgelinta qaab dhismeedka xarumaha lagu keydiyo hubka si loo maareeyo.

“Waxaa sharaf ii ah inaan dowladda, shacabka Soomaaliyeed, iyo dhammaan beesha caalamka kala qeyb qaato munaasabadda dabaal deggaan taariikhiga ah. Qaadista Cunaqabataynta Hubka ee saaraneed Soomaaliya waa qiraal cad oo muujinaya guulaha Soomaaliya ay ka gaartay dib-u-habaynta laamaha amniga.” ayuu yiri, Danjire Souef

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcadii lasoo dhaafay u codeeyay in Soomaaliya laga qaado xayiraaddii iyo cunaqabateyntii hubka ee saarneed muddo ka badan 30 sano.

14 dowladood ayaa oggolaatay qaraarka Soomaaliya looga qaadayo cunaqabateynta hubka, halka Faransa oo kaliya ay ka aamustay.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer dadaal ugu jirtay in laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u xoojiso awooda iyo hubka ciidamadeeda dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab, iyada oo la billaabay in qeyb ahaan laga qaado sannadkii 2013-ki

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here