Saturday, July 27, 2024

Ciidamada Puntland oo soo qabtay koox lagu eedeeyay falal burcad badeednimo

Garoowe (Dawan)- Wararka ka imaanaya magaalada Raas-caseyr ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland ay gacanta ku dhigeen rag looga shakisan yahay in ay ahaayeen burcad badeed iyo dooni sidday shixnad hub ah.

Taliyaha Qaybta Booliska Raas Casayr G/sare Fu’aad Maxamuud Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen saddex nin oo la socday doonta, kuwaas oo watay hub fudud, rasaas iyo shidaal, isagoo sheegay in la horgeyn doono maxkamadda ay khuseyso si looga qaado tallaabada sharciga waafaqsan.

Xiritaanka kooxdaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo labadii bilood ee u dambeeyay la sheegay in falal burcad badeed ah ay ka dhaceen xeebaha Bari ee Soomaaliya.

Todobaadkii hore, Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya, ayaa soo badbaadiyay markab kaluumaysi oo sitay calanka Iran oo ay saarnaayeen 19-shaqaale Pakistani ah kadib markii ay burcad-badeed Soomaali ah ka afduubteen xeebaha Bari ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Ciidamada Seychelles ayaa isbuuc ka hor soo badbaadiyay Marakb kalluumeysi oo laga leeyahay Sri Lanka , sida uu sheegay xafiiska Madaxweyne Wavel Ramkalawan.

Sri Lanka ayaa mar sii horreysay sheegtay in ay arrinta Markabka kala hadashay diblomaasiyiin Soomaali ah si loo ogaado halka uu ku dambeeyay markab kalluumeysi iyo lix shaqaale ah oo la socday.

Marabka ayaa la afduubtay labo todobaad kadib markii ay Sri Lanka sheegtay in ay ku biiri doonto howlgalka Mareykanka uu hogaaminayo ee lagu ilaalinayo maraakiibta ganacsi ee ku socdaala Badda Cas ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Kiiskii ugu horreeyay ee ay burcad -badeed Soomaali ah fuliyaan tan iyo 2017 ayaa la diiwaan geliyay bishii December ee lasoo dhaafay, inkasta oo mas’uuliyiinta maamulka Puntland ay sheegeen in Doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan lagu afduubtay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, bishiii November 2023.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa meel mariyay 26-kii bishii October, 2023 sharciga la dagaalanka burcad badeedka iyo ka hortagga afduubka oo ujeedadiisu tahay in lagu ogaado laguna xakameeyo dambiyada la xiriira burcad badeedka iyo afduubka, si loo sugo ammaanka xeebaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah iyada oo sidoo kale ciqaab caddaalad ah la marsiin doono dadka lagu helo dambiyadaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dadaal xoogan uga jirta sidii ay uga hortegi lahayd kullumeysiga sharci darrada ah ee ay ajaanibtu ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya, iyada oo la xasuusto in bishii August ee sannadkii 2023 xukun lagu riday dhowr qof oo ajaanib ah

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa xukuntay 36 nin oo Ajaanib ah, kuwaasi oo lagu soo qabtay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen Badda Soomaaliya. Maxkamaddu waxay ku xukuntay mid kasta $12,000, taasoo keentay in dhammaan eedaysanayaasha lagu xukumo ganaax dhan $432,000.

Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa lagu xasuustaa in ay xarun u ahayd burcad badeed ku caan baxday afduubka doomaha iyo maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya, iyaga oo ka qaadan jiray lacag madax furasho ah, inkasta oo la xakameeyay wixii ka dambeeyay sannadkii 2012.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here