Saturday, July 27, 2024

Gargaar la gaarsiiyay bulshada ay fatahaadu saameeyeen ee DDS

Jig-jiga (Dawan)- Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa weli wada dadaalo lagu garab istaagayo bulshada ay fatahaadu saameeyeen ee degmada Qallaafe.

Mas’uuliyiin iskugu jirta heer deegaan iyo heer gobol oo adeegsanaya diyaaraha qumaatiga u kaca iyo doomaha biyaha ayaa waxay Bakhaarka caawimaada ee Xafiiska Maaraynta Khatarta iyo Masiibooyinka ee Godey ay degmada Qallaafe uga rareen gargaar kala duwan ee sida raashinka jilcsan, daawada caafimaadka, daawada biyaha, bustayaal, shiraacyo iyo maro kaneecooyin.

Sidookale caawimaaddaan ayaa waxaa barbar socda badbaadinta qoysaska ku xaniban biyaha.

Xukuumada ayaa sidoo kale gurmad iyo taakulayn ka wada dhamaan Goobahii aay saameeyeen Fatahaada wabiyada sida degmoyinka Jarati iyo Dollow Addo ee gobolada Afdheer iyo Liibaan.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhawaan booqday goobaha ugu daran ee fatahaadu ku yeesheen saameynata, isaga oo ballan qaaday in la gaarsioin doono gumrad deg deg ah si loo badbaadiyo nolosha dadka.

Roobabka Dayrta ayaa si xoog leh ug da’ay deegaanda kala duwan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo guud ahaan Geeska Afrika waxaan ka dhashay fatahaado geystay khasaaro isagu jira dhimasho iyo barakac baahsan.

Roobabka xooggan iyo daadadka ka dhashay ayaa sababy in ugu yaraan 15 qof ay ku dhintaan, halka in ka badan 11,000 oo qof ay ku barakaceen, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here